Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga
Aqoonyahanadii eednay iyo, ururo diimeed e | *** Hadii ay sharciga eegayaan, na lama aaseene | *** Aayadaha qur’aankiyo sunaha, kuma adeegaane | *** Eex qabyaaladeed bay intaa, u ololeeyaane | | *** Ubaxiyo barbaartii waa taa, la eryanaayaa | *** Badahaa italy iyo ku dhace, nibiri uurkiise | *** Lafahiyo jidhkoodii engegaa, eygu cunaaye | *** Umulaha dayacan hooyada ay, ilmadu qoysay | *** Aakaha iyo kaaraha la tegey ,waa amaan xumo-e | *** Cid ilaalinaysiyo lawaa ruux, asxaan wada-e | | *** Waa ba looma ooyaan haddaad, ehel sugaysaane | *** Awood maleh xaq sheegiyo, midkaan igad uyeedhayne | *** Alle caasigii baa batiyo ruux, inkaar qabe ahe | *** Albaabada intuu soo fadhiyo, wada aqoon-gaabku | *** Arinkeenu soomaaliyeey waa, Allaw sahale W/C: Caasha Luul Cumar Jaamac Alle ayay mahad oo dhan u sugaanatay; rasuulkiisii udgoonaanna naxariisiyo nabad galyo korkiisa ha ahaato. Qormadatan gaaban akhristow, waxaan rabaa inaan kaga hadlo, kuna lafoguro oo aan inta...