Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga
Aqoonyahanadii eednay iyo, ururo diimeed e
| *** Hadii ay sharciga eegayaan, na lama aaseene
| *** Aayadaha qur’aankiyo sunaha, kuma adeegaane
| *** Eex qabyaaladeed bay intaa, u ololeeyaane
|
| *** Ubaxiyo barbaartii waa taa, la eryanaayaa
| *** Badahaa italy iyo ku dhace, nibiri uurkiise
| *** Lafahiyo jidhkoodii engegaa, eygu cunaaye
| *** Umulaha dayacan hooyada ay, ilmadu qoysay
| *** Aakaha iyo kaaraha la tegey ,waa amaan xumo-e
| *** Cid ilaalinaysiyo lawaa ruux, asxaan wada-e
|
| *** Waa ba looma ooyaan haddaad, ehel sugaysaane
| *** Awood maleh xaq sheegiyo, midkaan igad uyeedhayne
| *** Alle caasigii baa batiyo ruux, inkaar qabe ahe
| *** Albaabada intuu soo fadhiyo, wada aqoon-gaabku
| *** Arinkeenu soomaaliyeey waa, Allaw sahale
W/C: Caasha Luul Cumar Jaamac

Alle ayay mahad oo dhan u sugaanatay; rasuulkiisii udgoonaanna naxariisiyo nabad galyo korkiisa ha ahaato.
Qormadatan gaaban akhristow, waxaan rabaa inaan kaga hadlo, kuna lafoguro oo aan inta itaal kayga gaaban ah, kaga shaafiyo adiga iyo inta kula jaal ahee Soomaaliyeed, su’aal qof kasta oo Soomaaliyeed maan kiisa ka dhex guuxaysa oo intaa aynu is weydiinayno, taasoo ah “war dadka Soomaaliyeed waa kuwan isu gudbiya oo aanu kala celinaynin xad iyo xuduudkii gumaystuhu dhigay, waa kuwan is garabsanaya oo is wada ilmaadeersanaya oo gacaliyo xigaal aad isu jecel ahe, talow maxay isku diidan yihiin oo ay isku hayaan? Bal Ila dhugo qormadan, anigaa kaa shaafinaya oo diirka kaaga qaadaya, halkay sartu ka qudhuntaye.
HORDHACA
Soomaliya, waxa ay dhacdaa Geeska Afrika, waxaana loo yaqaan Geeska Afrika.
Soomaliya, waxa ay dhacdaa Geeska Afrika, waxaana loo yaqaan Geeska Afrika.
Baaxadda dhulka: Soomaaliya, waa: 637.657 km2.
Heer-kulka:(Cimilada) Soomaliya, waa dal kuleyle ah oo qallalan heerka qiyaasta heerkulka Soomaliyana waxa lagu tilmaamaa qiyaas 27c qiyaas dhexe sannadka oo dhan.
Tirada dadka: Intii ka horreysay dagaallada sokeeye ee 1990 dalka ka qarxay, sida xunna u burburiyay, tirada dadka Soomaalida waxa lagu qiyaasi jiray 7,8 malyuun oo qof, taas oo 30% ka mid ahi ay magaalooyinka ku nool yihiin, 70% ka mid ahina miyiga ayay ku nool yihiin, 46% ka mid ahi waa da´da 15 sano ka yar.
Isirka: Dadka Soomaalida ahi waa dad isku Isir ah, isku Af ah, isku Diin ah, balse, waa dad had iyo jeer ba qabiil isu laaya oo u dagaallama, isuguna hiilliya.
Diinta: Intii ka horreysey sideetamaadkii waxaa la hubay in dadka Soomaalida ahi 100% ay muslim sunni ah oo Madhabta Shaaficiyada haysta yihiin, balse, wixii xilligaas ka dambeeyay, haba ugu sii darnaato intii dagaallada sokeeye 1990-kii dalka ka qarxeene, waxa la qiyaasaa in ay jiraan dad Soomaali ah oo caqiidooyin kale rumaysan.
Afka ama Luuqadda: Afka dalka looga hadlo ee Afka Hooyo looga yaqaan waa Af Somaali, Af Somaligu waxa uu ku qoran yahay Xarfaha (letters) Laatiinka ah oo aysan ku jirin Xarfaha PVZ, saddexdaas xaraf (letters) midkoodna dadka Soomalida ahi kuma dhawaaqaan, waxaana meeshooda ugu jira ama u buuxiya xarfaha BSF, saas awgeed ayaan loogu darin xarfaha alif ba`da Af Soomaaliga. Afka Carabiga ayaa isagana sannadkii 1979-kii loo aqoonsadey Afka labaad ee rasmiga ah ee Soomaliya, looga hadlo. Aqoonsiga Afka Carabiga loo aqoonsadey Afka labaad ee rasmiga ah ee Soomaliya looga hadlom waxa keenay laba sababood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah ururka dalalka Jaamacadda Carabta.
Iyo Dadka Soomaliyeed oo haysta Diinta Islaamka.
Labadaasi arrimood ee muhiimka ah ka sokow, Af Soomaaliga iyo Afka Carabiga waxa ka dhexeeya xiriir dhinaca xarfaha alfa beetada ah, iyo dhawaaqa erayada qaarkood, waxaa jira erayo aad u tira badan oo Af Soomaali ah, isla markaasna macne ahaan iyo dhawaaq ahaanba ay Afka Carabiga isku mid yihiin; waxaana ka mid ah: Amar, Aadaab, Akhlaaq, Asluub, Badow, Baadiye, Berriga, Dawlad, Dukaan, Dambi, Caqli, Cilmi, Xukuumad, Xukun, Xurmo, Siyaasad, iyo kuwo kaleba. Dhanka kalena waxaa jira erayo Af Somaliga iyo Carabiga isku macne ah laakiinse dhawaaqa ku kala duwan. Sidaas awgeed ayaa af Carabigu Afafka kale uga dhaw yahay dadka Somalida ah.
DHAQAN SOOMAALIGA DEGAANKA
Deegaanka Soomaalida, intiisa badan waxa uu ku habaysan yahay amase ku dhisan yahay qaab qabiil, degaan walbana ( gobol, degmo ) hal qabiil ayaa dega oo loo yaqaan, waa ay jiraan gobollo ama degmooyin ay dhawr qabiil isla deggen yihiin oo ku wada dhaqan yihiin, hase yeeshee, taasi qudheeda ayaa degaanku u kala soocan yahay.

Gobolka ama degmada ay dhawrka qabiil isla degaan, micnaheedu marnaba ma ahan in ay si buuxda isu dhex deggen yihiin, balse, dhawrka qabiil, mid waliba dhinac ayuu gobolka ama degmada ka deggen yahay oo loo yaqaan, dhinacaasi uu deggen yahay, ayaana daaqsintiisa ah, ceelashiisu ka qodan yihiin, barkaduhu uga dhisan yihiin, beerahoodu ku yaallaan; isla markaasna, dhinacaas ayay tuulooyin ka samaystaan oo ganacsigooda ku habaystaan. Iyadoo deegaanka dadka Soomaaliyeed sidaa yahay haddana, waa dad aan xuduud kala lahayn oo is dhexgala oo isu guurguura.
Magaala madaxda gobolka ama degmada, waxa loo kala deggen yahay qaab qabiil, xaafad kasta oo magaalada ka mid ah, waxaa deggen amase u badan hal qabiil oo dhawrkaasi qabiil ka mid ah, haddii qof aan qabiilooyinkaasi dhawrka ah ka mid ahayni deegaanka ku soo biiro, waxa lagu naanaysaa magaca qabiilkiisa, taasi ayaana lagu gartaa in qofkani uusan qabiilka meesha deggen ka mid ahayn dhalasho ahaan, iyo in meesha hal qabiil deggen yahay. Taas, micnaheedu marnaba ma ahan, in aysan Soomaalidu is dhex gal lahayn, balse, waa dhaqan soo jireen ah oo sooyaalka Soomaalida ka mid ah.
SHEEGAD
Waxaan soo tibaaxney in dhaqan-degaameedka Soomaalidu qaab qabiil ku habaysan yahay oo qabiil waliba degaan gaar u ah leeyahay, taasoo aan wax dhibaato ahi ku jirin ee qaab dhismeed degaan ah; waxaan soo tibaaxney, in ciddii ama qofkii degaanka ku soo biira, in magaca qabiilkiisa lagu naanayso, taasoo muujinaysa, in uusan qabiilka degaanka leh u dhalanin.

Haddaba waxaa jira, dadka noocaasi ahi in haddii ay muddo dheer halkaas deg-genaadaan, ay marka dambe la quud iyo qaaraan noqdaan qabiilkii ay degaankooda ku dhaqnaayeen sanooyinka badan; haddii ay meesha aad ugu tarmaan iyo haddii kaleba, waxay sheegtaan magaca qabiilka ay la deggen yihiin, summaddooda ayay xoolaha ku dhigtaan, magta ayay la bixiyaan lana qaataan, duullaanka ayay la galaan, si walba ayay uga mid noqdaan.
Dadka noocaas ah, qabiilooyinka kale ee degaanku ma hayaanadayn karaan, kumana xad gudbi karaan ama ma qalayn karaan, waxaana lagu tix galiyaa qabiilka ay ku tiirsan yihiin, loo lama dhaqmo sidii dad shisheeye ah, waxase loola dhaqmaa sida qabiilka ay ku tiirsan yihiin oo magaciisa sheegteen. Taasina, maaha mid sii kala qoqobaysa qabiilada Soomaaliyeed, deegaankuna waa mid u dhex ah.
XEERKA ISKAASHIGA DEGAANKA
Dhaqanka Soomaalida intiisa badan waxa uu ku dhisan yahay iskaashi; iskaashigu sida badan kuma xirna xigto ama xigaalo iyo xididka oo kaliya, hase yeeshee, degaankuna waa is kaashadaa, waxyaabaha Soomaalidu iska kaashato waxaa ka mid ah: gaadiid ceshiga, sida caadiga ah dadku xagga dhaqaallaha waa ku kala duwan yihiin. Nolosha dadka Soomaalidu waxay ku xiran tahay miyiga iyo xoolaha nool, nolosha miyiguna waa mid aan deggenayn oo hadba meeshii nur leh ama roob ka da’o ayaa loo roob raacaa.

– Sidaas awgeed, marka la guurayo reerkii aan gaadiid uu ku guuro oo ku filan amase mar kaliya wada qaadi kara lahayn, waxa la siiyaa Awr ay ku guuraan, marka ay degaanna dadkii lahaa u celiyaan, taasi ayaa gaadiid celis la yiraahdaa.
Reer geedi ah
Irmaan siin ama maashi; dadka xoolaha yar leh, mar walba xagga caanaha ayay ciriiri kaga jiraan, sidaas darteed, dadka kale ee xoolaha badani u dhalaan ama u irmaan yihiin, ayaa neefaf irmaan ah siiya, neefafkaasna marka ay guraan ayay dadkii lahaa u celiyaan.

Maas ama amaah siin; xilliga jiilaalka ama ay abaari jirto, dadka aan masaggo iwm u kaydsanayn, ama magaalooyinka u safri karin oo raashin ka soo gadan karin, ciddii u heli karta ayaa raashin ay jiilaalka uga baxaan amaahin jiray, marka roobku da’ana waa ay u gudi jireen.
Ciidamin; dhaqanka degaanka ee Soomaalida waxaa ka mid ah ” ciidamiska “, haddii uu jiro reer aad u ciidan yar, xilliyada shubaasha ama ceel cabbaaga la yahay ee jiilaal ka ah, marka la guurayo ama la dego ee reer ka la oodayo iwm, waxaa caado ah in loo ciidamiyo oo hawsha lala qabto. Xataa waxa jirta marar gabar ama wiil ciidan ahaan reer kale loo siiyo.
– Iskaashigu dhaqanka Soomaalida aad buu ugu badan yahay, waliba sida badan waa la isu garta ee kuma xirna inuu qofku wax codsado, tusaale ahaan, beeshii meel wada deggeniba waa is xaal og tahay, markaas qofka baahan inuu baahidiisa degaankiisa u sheegto dhaqan Soomaaliyeed ma aha, waxaadna ka dheehan kartaa maahmaahda oranaysa ” nin fadhigaaga arkaya looma sara joogsado “.
SOOMAALI OO AH ODAY QUDHA, MAXA MAANTA KALA ANAFEEYEY?
Haddaba, dadka Soomaaliyeed iyagoo ah dad Isku Af (luuqad) iyo Diin ah, xittaa iyagoo weliba ah dad isku Durriyad ah (Gacaliyo Xigaal) oo dhaqan suuban wadaaga, maxaa keenay in ay cawsha kala yaacaan? Waa maxay cudurka kala fidneeyey ee ka dhigay kuwo kala didaya haddana is dugsanaya?. Su’aalahakani waa kuwa ay is weydiiyaan Abwaanada Soomaaliyeed, waxaana mar su’aalahan Ummadda Soomaaliyeed weydiiyey Abwaan Muxamuud Cabdullaahi Singub wuxuuna yiri:

**Anoo oday qudhatiyo,
**Uur hooyo wada galay
**Afkayguna warya yahay
**Diintayduna Islam tahay
**Aqalka iyo tusmada iyo
**Ardaagu dhex noo yahay
**Waxa la isu idhan jaray
**Maan garan aniguye
**Uur hooyo wada galay
**Afkayguna warya yahay
**Diintayduna Islam tahay
**Aqalka iyo tusmada iyo
**Ardaagu dhex noo yahay
**Waxa la isu idhan jaray
**Maan garan aniguye
Murtidan su’aalaha xambarsaan ee uu Abwaan Singub ummadda weydiiyey waa kuwo uu ku tusmeenayey bal inay fakaraan isna weydiiyaan. Dhabtiina, dhammaan weydiimahakani waa kuwo uu is weydiinayo ruux kasta oo Soomaali ah. Hayeeshe, dhammaan su’aalahakan xiska wareemaya waxaa jawaabahooda heli karaya oo garan karaya halkay sartu ka qudhantay waa ruuxa Soomaaliga ah ee laab fiyow ee si guro-fog ugu darsa dhaqankiyo hiddaha ummaddiisa.
WAXA UURKU-TAALADA NA BADAY EE INA KALA IRDHEEYEY WAA INAMADEENA
Dhugma la’aantu waa waxa horseeda habaabide, akhristow, bal dib u yara dheego, oo bal jaleec xaaladda taagan maanta geyigeena Soomaaliyeed; Xamar, Boosaaso, Jiigjiga, Baydhabo, Hargaysa, Kismaanyo, Laascaanod, Wajeer, Boorame, Jabuuti. Dhamaantood waa magaalooyin soomaaliyeed, dadka degen ee u dhashay waxa ka dhaxeeya oo ay wadaagan: diin, af, iyo dhaqan. Waa ummad kala guursata, waa duul reer guuraagoodu isuguuro, waa quruun gacal iyo xigaal wada ah oo is dhalay, is martigeliya, isa soora, iskaashi ka dhexeeyo, waa dad ganacsigoodu isu furan yahay oo isu safraa. Waa dad dhabtii ah kuwo hayb, hidde iyo dhaqanba wadaaga, waa ummad is jecel oo isku jiidh ah.

Qofka ka taga magaalo hebla oo ku taal cidhifka koonfureed ee u jihaysta mid ku taala waqooyiga, iyo midka ka taga magaalo hebla oo ku taal badhtamaha dalka ee aada mid koonfur ama waqooyi ku taala; iyo ruuxa ka taga geesta galbeed, iyo ka waqooyi ka soo baqoolaya ee u socda koonfuriyo badhtamaha geyiga soomaaliyeed; run ahaantii meeshuu doonayo dalka ha aade, midna qariib kuma noqon karo magaalada kale ee uu tago oo Soomaali degto, Raas Sasayr ilaa Raaska Booni majirto sabab la isugu geliwaayo oo ah, kala duwanaasho dhaqan iyo isir ah, ama se diinta iyo luuqada lagu wada hadlayo haba noqote. Waa jiraan waxyaabo ay ku kala duwan yahiin xaga dhaqamo hoosaadka ah, taasina maaha wax wayn, 100% kiiba wax gaadhaya 92% waa iskaga mid, halka 8% la odhan karo way ku kala duwan yahiiin; haddana, mar walba waxaa qasab ah in ay isla jaan qaadaan.
Dhaqanka iyo caadada soo jireenka ah ee Soomaalidu, waa mid dahab ah oo wanaagsan, si kasta oo burbur ugu dhacay, duufaanka doorsankuna ugu soconayso hadh iyo habeenba, haddana, waa midaan guuraynin oo u baahan in la ilaaliyo. Casrigan danbe waxaad moodaa in habkii ama noloshii laga soo farcamay ee reer miyigu ay ku soo milantay tan magaalada, ka dibna dhaqan kiiba si tartiib tartiib ah uu u noqonayo mid magaaloobay, taasi waa mid ay ka siman tahay ummadda Soomaaliyeed dhammaanba. Haddana, waxa la odhan karaa, markale ayay isla jaan qaadi kartaa.
Say doontaba ha noqotee, iyadoo waxaa soo dhan ay jiraan, ayaa waxaa marag ma doonta ah in wax badan oo balaadhani isku murugsan yahiin, in qaruuntii dhammayd ee la odhan jiray Soomaali ay sii kala fogaanayso, taasina maaha wax hadda bilaamay ee waa mid in badan soo jiitamaysay, dhawaanahana dardar horleh yeelatay, waana midda waayahankan xoogsatayee socota.
Aagtidayda saliimka ah waxaan qabaa kala irdhawga, anbadka iyo kala sumaynta inagu socota in la daawayn karo, haddii cidda danaynaysa ee daacada u ah loo dayn lahaa ama la heli lahaaba waa haday jirtee. Dhabanno hayska qof kasta haysta oo ummaddeenan ilma-Soomaal ah, ruux waliba oo Soomaali ah markuu xisaab tamo oo uu si fiyow oo miyir qab ah, isula hadlo arrimaha dadkiisa haysta waxna iska weydiiyo, wuxuu odhanaya “ummaddan Soomaalida loogu yeedhaa, isma diidana, ismana necba, ee waxa kaliya ee jiraa waa mid ah in Soomalida laysku diray layskuna sii dirayo, bulshada caalamkuna ay isku daawanayso dabna ku sii hurinayso, kuwo dulliyiin ah oo Soomaalida ka dhex dhashay oo cantuuggo uun yaqaanna oo damac liita ay iyana madaxa isu wada sii galinayaan dadka Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyed way is rabaan e waxaanay garanayn kii hormuudka u noqon lahaa ama waxgaradkii wadada toosanta ah ku hagi lahaa ee is fahamkooda ku jiro, khilaafkoodana lagu xalin lahaa. Dadku haddii ay isku dayi lahaayeen inay doortaan kooda ugu wanaagsan ee hagi lahaa ama ay iyagu intay shiraan xal keeni lahaayeenba lalama rabo, oo gacmaha shisheeye ee ay u gacan galeen ayaan oggolayn, oo si dad ban iyo si toos ahba ugu hawlan in aan la maarayn arimaha Soomaalida. Cidda inaga midka ah ee sidaas yeeshey yeelaynaysana ee welina sii wada siina wadi doonta haddii aan layska qabanin, waynu baabi’i doonaa; ciddaha inala dhashay ee sidaas yeelayana waa kuwo aan rabin Soomaali is ogol oo is raacda, waana cadawga Soomaalidu leedahay.
Haa, shisheeye u adeegaha firfircoon ee u fududeeya arrimaha cadawga meel fog majiro, ee waa kuwo ka dhashay ummadda dhexdeeda, hada waa ka mudanaha magaca waynle ee guri walba laga hadal hayo lagana yaqaan; waa ka gobol walbana horjooge u ah, waa inkaar qabaha reer walbana horboodaha u ah, waa turjumaanka sida khaldan wax u fahansiiya bulshadeena, waana xidhiiidhiyaha geyiga Soomaliyeed, dadka Soomaaliyeed iyo dalalka raba inay na hagardaamiyaan, u kala dabqaadaya.
Siyaasiga tuugga ahi, marka arrintu taagan tahay maammul iyo maarayn waa afmiishaarka loo yaqaan halyey geesi ah, sacabka iyo taageerada ugu badana hela; wuxuu yaqaan dhawr waxyaalood oo aad dadka rayidka ahi ugu baahan yahiin in wax laga qabto, kolkaasuu isagoo qawlalada ka xumbeenaya ayuu ku khadaabaa “waxaa iyo waxaa ayaan qabandoonaa”, xataa, haddii aanay jirin rabitaan shacab waa khasab in masraxa uuka muuqan doono weliba guulaysanayo waayo? Adiga, waxba gacanta kuugu ma jiraan ee meel kale oo kaa sarraysa ayaa laga hagayaa wax, waayo rumuudka waxaa midigta ku haya gacan kale. Mid kalena way jirtaayoo, ummaddan daalan ee nasiinnada rabta waa iska mid daalaadhacaysoo marka ereyo jididiilo leh loogu bushaareeyo, inay kula dul dhacaan jibo iyana waa dhacdaa.
Soomaaliyoow, tolow haddaba mudanahaasi waa kuma ? Dee waa siyaasigan gurracan ee hadba shaadh sitaha ah, waa kan dulliga ah ee shan wajiila ah ee sharafta dadkiisa iyo dalkiisana ka jecel raaligelinta cadawga iyo cantuuggo loo laabo. Yaab alle ku doori! Tallow cadawga shacabku isaga ma saaxiibkii baa? Haa, cadawga shacabka ayaa saaxiib u ah isaga, oo markaa isagu cadaw maleh miyaa? Muxuu se ku qabaa oo ka faa’iidaa? Dee malaha damiir uu ku diido iyo karti uu kaga gudbo baanu lahayne, ileen dheef kuma haystee. Ducuf waa kaas dan isaga u khaasa iyo hudhmo u raacay cadawga Soomaaliyeed ee isku keen diraya. Cajiib yaabnaye talow marka isaga yaa u cadaw ah? Cadawgiisu waa qofka jecel wadanka e waddaniga ah, xaqana utaagan.
Siyaasiga Soomaaliyeed maskaxdisa ikhtiyaar umalaha inuu ka shaqaysiiyo ee waa furo loo hayo; hadaad ka sugayso inuu ku hoggaamiyo adaa ku hungoobaya, isaga ayaa lahagayaa laguna hayaa xadhig adag oo aan is iri tolow ma cayngeri shankun oo jeer laysku soohay baa? Maskaxda ayaa laga haystaa lagana gumaystaa isma oga isagu?! Geed buuna ugu xidhan yahay nacabka umadda Soomaliyeed, oo haday saas tahay hadda kuwaa silsilada wax ku jiidayaa may iyagu na hoggaamiyaan madaxna noo noqdaan, ilaa hawli kuma yaree intay maskaxda fadhiidka ah noo adeegsanayaan, may tooda noola yimaadaan? Dee hadeeerba waanay magacawnayn sida Madaxwayne, Raa’isal wasaare, Wasiir, Xildhibaan iyo wixii la midee, ee shaqada si ka yara asturan sidaan bay u haynayaan uguna caano badisaa!
ARXAN MALEH HADDAAD MOODAYSAAN AYNI DAACADA
Badwaynta marxaladaha ummadda Soomaaliyed doonida lagu dhex marayo jaheeyaheeda iyo naakhuudaheeduba waa cadawga koowaad ee Soomaliyi leedahay, kaasoo ah reer Galbeedka islamarkaana hawlgalka uu kawado geyiga Soomaliyeed cida uu u soo wakiishey waana Itoobiya wakhti xaadirkan, Kiinya iyo Ugaandha iyagu waa jilayaasha ruwaayadaha lasoo diyaariyo in lagu soo bandhigo Soomaali gudaheeda; waana kuwa sida qarafka, xaabada iyo gaasta laysugu daarayo, qaban qaabiyayaasha dalka u dhashayna waa masuuliyinta kala duwan aadna u caan ah una firfircoon ee hawsha qabanaya waana kuwan:

Odayga koofiyad baclaha ahi; sadexda dhardhaar buu marwalba heegan layahay,
Kildhigana, waxaa sida saacad walba siyaasigan waalay ummadda, biyuhuna waa tan magaceedu inaga badbatay ee lagawada sheekeynayo waa siyaasadda e, sonkortuna waa qabyaaladda ee madax dhaqameedka ibtiloobay madaxtooyada iyo miiska geeyeen, si loogu milxiyo siyaasad ku sheegta, looguna daandaamiyo dadka majaraha lagaga luminayo shacbiga Soomaaliyeed, weliba dhallinyarada.
Xawaashka waxaa haya kuwa shaadh diiimeed xidhan, danahooduna ay fara badan yahiin, oo farac badan tahay, caleentiina waxaa sameeya maal qabeenadii, ganacsiga looga go’ay, kuwii aan cid kale ba wax u oggolayn. Manaxayaashii. Marka ugu danbaysa, waxaa cadeeya weliba caana shaah ka dhiga, danbiilaha dagaal oogaha ah ee qabqablanimada ku caan baxay, ee agoomeeyey kumannaanka kun ee Sooomaaliyeed, kumannaan kalana hooyo la’ aan dhigay.
Kildhigaa shaaha ah ayaa dhammaan geyiga Soomaalidu degto lagu hayaa, oo subax walba gaanfeedhka lagaga shaahaa, oo bakeerida, sufurada, jabcadaha, furarka, shaygii godanna waa lagu shubtaa waana lagu qaybsadaa, galab walbana waa lagu casariyaa, lagama xaraarad gooyo, lamana naco, waase cidii cabta e midh iyo midh dhif iyo naadir ahba baan dhadhamin shaahaas!
Xoog finiinadii isugu tagay ee iska kaashaday karintiisa iyo dhadhan u yeeliddiisuba, waxay aad ugu dadaalaan weliba u kala dheereeyaa, una kala fara dhuudhuuban yahiin sidii ay dadka ugu qaybin lahaayen oo loo wada gaadhsiin lahaa dadka yariyo waynba. Tolow marna kama daalaan miyaa shaqadan xun ee ay hayaan? Alla Dabka yaa biya kaga shuba? Xaabadana ka tuurtuura, kildhiga baasna dhegta wayn yaa jejebiya? Tolow yaa la xisaabtami doona Illahay ka sokow? Xisaabtoodana marabnee yaa halmar naga fadhiisiiya? Yaa daba qabta qoomkan rogmashada qarka usaaran? Yaa badbaadiya baaqigan tamarta daran? Yaa soo nooleeya rajadan dhimatay? Yaase soo hela waddada saxan iyo tubta toosan ee luntay lagana anbaday? Yaa laga sugayaa ma kuwa nool, kuwa dhashay, mise kuwa dhalan doona? Yaaa? Yaaa? ………
Mooyi!! Malaha waa kuwii Alle solonsiiyo xilkuse hadda wuxuu saaran yahay kuwa nool ee weliba dhalinyarta ah, bal is waydii su’aalahan, jawaabtoodana baadh, ujeedka usha loogu walaaqayo arrimaha Soomaalida, maaha mid sahlan mana aha mid dhaw; waa mid soojireen ah, waatii shalay iyo dorraad iyo tii ka horaysay lala hor joogay, ee car iyo wir la lahaa, waatii laga feejignaa inbadan ee tag iyo baxdaa lahayey, waatii iyadoo halyeeyo iyo halgamaa ay jiraan, haddana celiyaay iyo yurtaa lahayey.
Hoogay war sawtii oo bilaa taag iyo tamar ah, oo aan cidi ku gudbanayn, cidina xilba iska saarini ma soo hamaansan, saw ood rogadii ma burburin , saw afsaarkii lays kama qaadin, saw garashadii ma gablamin, maanyaridiina lama maamuusin, oo saw waddaniyaddii lama waayin, haddii xaalku sidaas yahay dalkan iyo dadkana loo tashaday, oo lagu dhex hirdamayo.
GUNAANAD
Waryaadha ina ragow, war Soomaaliyow, haddii dadkii wada dhashay colaad la dhex dhigay, fartana laysugu fiiqay islamarkaana bannaanka laga soo hagayo gaashaanbuurta gaallada ah, maxaa xal ah?
Waryaadha ina ragow, war Soomaaliyow, haddii dadkii wada dhashay colaad la dhex dhigay, fartana laysugu fiiqay islamarkaana bannaanka laga soo hagayo gaashaanbuurta gaallada ah, maxaa xal ah?
Akhriste, waxaan qabaa oo ii muuqata, dadka meel dheer wax ka arka, ama wax oddorosaaya in muddo aan fogayn la arki doono iyadoo la leeyahay magaalo hebladan amxaarada ama keenyaatiga ama … ay deggen yihiin waxaa dagi jiray oo lahayd Soomaali!!! Taasi way iska caddahay, lagase yaabee in aydaan dhaadin; wayna dhacaysaa haddii aan wax is beddelin
Inkastoo aanan rajo qabin anigu oo aan arko raggii waayeelka ahaa ee Soomaaliyeed siday u dhaqmayaan, haddaba, saw ma haboona in la fanteeyo kooxdii shaah kariyayaasha ahaa loona sheego xaqiiqda, iyo in aan loo baahnayn kariiriga ay dhaqayaan, si awood loogu yeesho in gaashaan buurta kale laga guulaysto, Soomaaliduna aayaheeda daba qabato waa in fadhiga laga kacaa.
Maahmaah baa ahayd “doqontu shan indhood bay leedahay afar cida ugu dhaw bay ku ueegta midna waxbay ku aragta” waxan leeyahay
Ummaddan waa laysku mashquuliyay, gondahooda waxa yaala oo ay si dirqi ah ku arkaan ayuun bay ujeedaan, mase arkaan in wax ka wayn inay jiraan, taas waxaa markhaati ah sida loo kala qoqobay, sida xadka loogu kala jeexay ee xuduudda loogu dhigay, sida masarka iyo marada loogu kala tolay, sida madaxoodii mijaha loogu rogay, sida cuqdada iyo caloolxumada loogu kala beeray, sida caruurta iyo dhallinyarada loogu shubayo beenta iyo huuhaada.
Masahlana mana fududa sidii lagu badbaadin lahaa laguna qaban lahaa, dhagax buur dheer kasoo socda oo soo dulundulcoonaya oo dhulka ku dhacaya, dhagaxaas, waxaan ku meteley Soomaalida iyo geyigooda.
Waxaan kusoo gaba gabaynayaa qoraalkan, war fadhiga halaga kaco, ha loo guntado sidii loo badbaadin lahaa jiilasha danbe, qalinka halagula dagaalamo, hana layska qabto siyaasiga awrkiraalaha ah, wadaadka qaloocan ee kitaabka ku xad gudbaya iyo oday dhaqammeedka ibtiloobay.
Waxaana idiin leeyahay:
*** Alifleyda maansiyo beryahan erey, maan sheegayne
*** Aamusnaanta waxa iigu wacan, urugo weeyaane
*** Waxa aan adkaystaba haddaan, idiin ogaysiine
*** Aan adimo sidaan ahay wadaad, amase iimaame
*** Aan akhriyo axdiis iyo qur’aan, ereygii diimeedde
*** Aamusnaanta waxa iigu wacan, urugo weeyaane
*** Waxa aan adkaystaba haddaan, idiin ogaysiine
*** Aan adimo sidaan ahay wadaad, amase iimaame
*** Aan akhriyo axdiis iyo qur’aan, ereygii diimeedde
*** Inkastoon dhegihii awdan, aan arartu deeqaynin
*** Ujeeday murtidu leedahoo, lagu abbaaraaye
*** Ayaamkaa waxii taagan baa, lagu ishaaraaye
*** Ujeeday murtidu leedahoo, lagu abbaaraaye
*** Ayaamkaa waxii taagan baa, lagu ishaaraaye
*** Soomaali aqalkay tahiyo, idil ahaanteedba
*** Aaya xumada haysaan,anigu meel fog ka arkaaye
*** Waxa uurku taalada nabaday, inamadeeniiye
*** Indheer Garad markay wayday, bay noqotay eeddaad-e
*** Iftiinkii wanaag seegtay, iyo ilinkii toosaane
*** Eega-Dhaw waxaan ba uga biqi, inay Idlaataaye
*** Anbadkeedi kala lumay, ayaan orodka daynayne

*** Adduunyadu intay yaabtay,bay la amakaagtaaye
*** Afrikiyo eglaand taa xun, iyo kuwa israaiila
*** Amrikaankiyo ugaandhiiskiyo, kuwa amxaariinta
*** Amisonta oogada madaw , na lagu ekeeye
*** Sida adhi damaankii shacbigu, iib ujoog noqoye
*** Afrikiyo eglaand taa xun, iyo kuwa israaiila
*** Amrikaankiyo ugaandhiiskiyo, kuwa amxaariinta
*** Amisonta oogada madaw , na lagu ekeeye
*** Sida adhi damaankii shacbigu, iib ujoog noqoye
*** Ubucdiisa waxa lagu jiraa gaal, itaal darane
*** Waxay noo ag-joogaanba waa, amar ku taaglayn
*** Ifafaalo wacan maba arkoo, waan irdhaysanahaye
*** Gargaar Eebe hadii aanay helin, weydey odayaal-e
*** Gucle orod waxay ugu jiraan, eex qabaailo
*** Waxay noo ag-joogaanba waa, amar ku taaglayn
*** Ifafaalo wacan maba arkoo, waan irdhaysanahaye
*** Gargaar Eebe hadii aanay helin, weydey odayaal-e
*** Gucle orod waxay ugu jiraan, eex qabaailo
*** Siyaasigiina aafuu noqdiyo, eelka kii dhigaye
*** Uurkiyo afkuu buuxsadiyo, iligta mooyaane
*** Arxan maleh haddaad moodaysen, ayni daacad ahe
*** Arin buu sita uu kufrigu, kaga adeegtaaye
*** Afkaaraha shisheeyuu wataa, na lagu iibshaaye
*** Uurkiyo afkuu buuxsadiyo, iligta mooyaane
*** Arxan maleh haddaad moodaysen, ayni daacad ahe
*** Arin buu sita uu kufrigu, kaga adeegtaaye
*** Afkaaraha shisheeyuu wataa, na lagu iibshaaye
*** Olol sudhe dalkeeni nimcadiyo, uduga waynaaye
*** Aqoonyahanadii eednay iyo, ururo diimeed e
*** Hadii ay sharciga eegayaan, na lama aaseene
*** Aayadaha qur’aankiyo sunaha, kuma adeegaane
*** Eex qabyaaladeed bay intaa, u ololeeyaane
*** Aqoonyahanadii eednay iyo, ururo diimeed e
*** Hadii ay sharciga eegayaan, na lama aaseene
*** Aayadaha qur’aankiyo sunaha, kuma adeegaane
*** Eex qabyaaladeed bay intaa, u ololeeyaane
*** Ubaxiyo barbaartii waa taa, la eryanaayaa
*** Badahaa italy iyo ku dhace, nibiri uurkiise
*** Lafahiyo jidhkoodii engegay, eygu cunaaye
*** Umulaha dayacan hooyada ay, ilmadu qoysay
*** Aakaha iyo kaaraha la tegey ,waa amaan xumo-e
*** Cid ilaalinaysiyo lawaa ruux, asxaan wada-e

*** Waa ba looma ooyaan haddaad, ehel sugaysaane
*** Awood maleh xaq sheegiyo, midkaan igad uyeedhayne
*** Alle caasigii baa batiyo ruux, inkaar qabe ahe
*** Albaabada intuu soo fadhiyo, wada aqoon-gaabku
*** Arinkeenu soomaaliyeey waa, Allaw sahal.
*** Awood maleh xaq sheegiyo, midkaan igad uyeedhayne
*** Alle caasigii baa batiyo ruux, inkaar qabe ahe
*** Albaabada intuu soo fadhiyo, wada aqoon-gaabku
*** Arinkeenu soomaaliyeey waa, Allaw sahal.
Wabilaahi Tawfiiq
Comments
Post a Comment