DAYAXII QARSOOMAY #2

DAYAXII QARSOOMAY 07/05/2017

Cabdiraxiim Saleeban Faarax Rabiish Waxaan is baranay sannadkii 2011 Waxaanu isku baranay goob waxbarasho iyo xaalad aqooneed  oo ahayd tartan aqooneed midawgga Ardaydda jaamacadda Nugaal ay soo qabanqaabiyeen Oo lagu qabtay jaamacadda Tartankaas waxaa loo qabtay  ardaydda dugsiyadda sare waxaana ka qaybgelayay Inta badan dugsiyadda deegaanka SSC Markaas cabdiraxiim wuxuu kamid ahaa Ardaydii ka timid buuhoodle Gaar ahaan dugsigga sare ee Samatar baxnaan , Waxaan xasuustaa Cabdiraxiim kooxdiisa inuu u ahaa xidig badankana  ukacayay  oo  su'aalaha ka  jawaabayay  ugu danbayntiina  usoo hooyay  guul  ay  kaga midnoqdeen   kaalmaha  hore,  Waxa uu ahaa shakhsi ka dhisan  aqoonta xaga sayniska,diinta iyo taariikhdaba. Wuxuu  kadhex  muuqday  dhamaan  dhalintii  katimid  meelaha  kala  duwan  wuxuu Ahaa qof  codkar ah  oo  kaftama, marar kale ayuu  isagoo  safar  ah nagu  soomaray jaamacadda Hadduu  cagta  soodhigo  Laascaanood  wuxuu  jeclaan  jiray  inuu  Soo  raadiyo oo soo salaamo  jaamacadda  iyo dhalintii ay isbarteen  iyo  kuwii  buuhoodle  ay  wax  iskala  dhiganjireen  ee  jaamacadda  wax  kadhiganayayba  Maadaama  isagu  uu  Diridhaba  Waxka  baranjiray. Waxaan  ahayn  asxaab isudhaw  oo kaftan wadaag,sheeko wadaag iyo war wadaagba  ah, Arimaha siyaasadda  deegaanka  ayaan  sigaar  ah  uga wada  hadlijiray badankana isku aragti baanu ka ahayn arimo badan qaar aanu kakala duwanayna  wayjiraan  ,intaan Ka  aqaanay Wuxuu ahaa  qof  dadwadleh  oo  aanay  isnicin  qofkay  isbartaan, qalbi wanaagsan oo calool xaadhan ,qof saaxiibtinimadda aad uqadariyo Oo xataa haday saaxiibaddii kala aragti duwanyihiin Aan kaga go'in. Wuxuu ahaa qof hadal cad oo aan fikirkiisa  iyo  dareenkiisa  lagaban, lexejeclo badan ayaa ka haysay dhulka iyo dadkaba Midnimadda Soomaalidda dadka ku dhaata buu ahaa qof aan buunbuuninta aqoon balse runta Kasheega wuxuu ogyahay Ama dareensanyahay baa loowada  qiray,  aftahan  garnaqsi yaqaan ah buu ahaa Wuxuu ahaa suugaanyahan 2012 Mar aan umalaynayo inay ahayd ayuu iisheegay  in  shakhsiyaad  qoyskiisa ahi  ku dhaheen Waxaatahay qof da'yar kuuma wacna masrax inaad suugaan ka akhrido ee faraha kaqaad  ana waan  iskadaayay  inaan  wax curiyo  buu  iguyidhi, way jirtay inuu dareenkiisa ku cabiray tix marar kala duwan  Sanadihii  udanbayeeyay  wuxuu  aad  uga  faaloonjiray  arimaha  siyaasadda  ka  hor  dhawr bilood ayuu  faraha  kalabaxay  isagoo  qofwalba  oo  wax ka tirsanaya  ama  ay kala aragti duwanaayena cafis waydiisnay isna cafiyay  khaatumo  wanaagsan  buu  kudhintay  Wuxuu bilihii  udanbeeyay  ka  shaqaynayay  hawlaha  samafalka  iyo  ugargaaridda  dadkii  xanuunka  shuban  biyoodku  ku helay  deegaanka cayn  Gaar  ahaan  buuhoodle, Wuxuu  xoogiisii  ,fikirkiisii, aqoontiisiiba Uhuray  inuu ku  badbaadiyo dadkaa dhibaataysan  Oo  uu kuwa badan oo sakaraad ahaa oo uu isagu usoojeeday Habeenkii kuwa badanoo uu quudiyay intaba uu qabriga uga horeeyay Subxaanalaah!  Haldoorka iyo foolaadka dhalinta soomaaliyeed ee sebenkan ayuu safka hore kaga jiray baan qabaa. Wuxuu ahaa qof dadkiisii iyo dalkiisa  jecel Hamigiisu  yahay  inay  horumaraan badhaadhena ku noolaadaan ,Ma uu ahayn  qof  wax ubartay  ciddiisa  iyo calooshiisa balse wuxuu ahaa qof wax ubartay cidiisa  , qof  xidhiidhinta  ku  wacan  buu  ahaa  Marwalba wuu isoo bariidin jiray wuxuu jeclaan jiray  inuu ka warqabo  asxaabtiisa, qof  aan  walaalnimo  iyo Wanaag aan ku bartay oo dun wacan buu ahaa, Iftiin  ubaxaya  umadda  dhiirane  firfircoon  Oo  abaabulka  iyo  hogaamintaba ku wacan buu ahaa ,qof Aan ifka loodaynayn uun igadheh! .Wuxuu dalbaday cafis dadkana  wuu iska cafiyay,Wuxuu  ku  dhexjiray  arin khayri  ah  iyo samafal , waxaa  dishay  gacan  ka  xaqdaran  ,wuxuu  dhintay  bisha  shabcaan.

Waxaan odhankaraa  Qof  Ilaahay doortay buu ahaa Wanaagna la damcay Sidii aynu nolosha  ugu  jeclayn Aakhirana haloogu jeclaado Safkii Nebigga CSW Wayne hakudaro .
 Waan u tacsiyaynayaa  dhamaan qoyskiisa iyo qaraabadiisa Alle samir  hakasiiyo gaar ahaan Xaaskiisii , waalidkiisa iyo walaalihiba, sidookale Samir Alle hakasiiyo asxaabtiisii oo aan ugu horeeyo iyo Bulshada soomaaliyeedba  . Ilaahay SWT  Su'aalaha  hausugo  qabrigana haunuuriyo oo hauwaasiciyo boqorku kitaabkiisa midigta haka siiyo Ilaahay, marti laga jecelyahay Aakhiro hanoqdo Geeridiisa Raxmaanku haka yeelo mid uu ku nasto oo kaga raysto dhibta iyo qaxarka  aduunka
INAALILAAHI WAINAA  ILAYHI RAAJICUUN
Xalay aduunkuu  joogay  caawaan  aakhiro ayuu tegey

W/Q Culimo Cumar

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso