Kaftankii AstaanTV ee Somalia waa nin iyo waanaag! Jawaabta aan ka bixiyay
Gardaradu dadkaygoow Marna way ku dilaysaa Marna waad ku dagantaan Haddaan doonyaqaad ahay Dacwo Ila fogaatiyo Sheeko duulxurkeedii Dahab aan ku lumiyoo Dood aan ku bixiyaa Daaha aan ka faydiye Warka aad daldalaysaan Horta waa Dabayl jaan Naag dibad wareeg iyo Duulduul taqaannoo Hadba Guri daf tidhi iyo Dalku naag xun weeyaan Kuwa yidhi Ka diidnaye Hadalkooda dalabta leh Duqda may ka dayaan Naag masayr diloodoo Odaygeeda diidoo Caruurteedi dooxday oo Dulqaad aan lahayn iyo Beentiyo xantaa daran Dumarkii ku baaqoow Idinka iyo dalagiin Dusha waxaad ka saarteen Denbi aanay gelin oo Waxaad duudsiyaysaan Xaqeedaa dahsoon oo Waxaad dabamaraysaan Hadal duurxulkeedoo Dadab waxaad u geysaan Daacad nin aan ahayn oo Dacwo waxaad ka qoraysaan Deeqsigay u mahatoo Derbi waxaad ku xidhaysaan Digtoorkii dhayaayaye Maydinkaa duciyo khayr SOOMAALIYA degta u shudhay Dalku naag agoonliyo Danyar gabadha weeyo Ayaankeedu daranyahay Duruus iyo cilmina baran Ta...