Kaftankii AstaanTV ee Somalia waa nin iyo waanaag! Jawaabta aan ka bixiyay



Gardaradu dadkaygoow
Marna way ku dilaysaa
Marna waad ku dagantaan
Haddaan doonyaqaad ahay
Dacwo Ila fogaatiyo
Sheeko duulxurkeedii
Dahab aan ku lumiyoo
Dood aan ku bixiyaa
Daaha aan ka faydiye
Warka aad daldalaysaan
Horta waa Dabayl jaan

Naag dibad wareeg iyo
Duulduul taqaannoo
Hadba Guri daf tidhi iyo
Dalku naag xun weeyaan
Kuwa yidhi Ka diidnaye
Hadalkooda dalabta leh
Duqda may ka dayaan

Naag masayr diloodoo
Odaygeeda diidoo
Caruurteedi dooxday oo
Dulqaad aan lahayn iyo
Beentiyo xantaa daran
Dumarkii ku baaqoow
Idinka iyo dalagiin

Dusha waxaad ka saarteen
Denbi aanay gelin oo
Waxaad duudsiyaysaan
Xaqeedaa dahsoon oo
Waxaad dabamaraysaan
Hadal duurxulkeedoo
Dadab waxaad u geysaan
Daacad nin aan ahayn oo
Dacwo waxaad ka qoraysaan
Deeqsigay u mahatoo
Derbi waxaad ku xidhaysaan
Digtoorkii dhayaayaye
Maydinkaa duciyo khayr
SOOMAALIYA degta u shudhay

Dalku naag agoonliyo
Danyar gabadha weeyo
Ayaankeedu daranyahay
Duruus iyo cilmina baran
Tabcan duunyo iyo maal
Ubadkeedu Duufliye
Doqon iyo magaratiyo
Waa dooxatiyo tuug


Waxaa taas kasii daran
Deris iyo xigaal maleh

Inan guudka dabatiyo
Habar Muran dudubisiyo
Marwo deeeqa sharafliyo
Saaxiib Dardaarmiyo
Mid ducaysan Kuma laha
Kol ay tahay Dan iyo xeel

Dibjir baa mar guursaday
Marna dawdar baa qabay
Marna doqon ayaa helay
Dabaqoodhi baa geyay
Maantana dilaal iyo
Waxaa jecel Mid uga darra

Nin duruufaheediyo
Doonisteeda garanayn
Gabadhu way ka daashaye
Waxaan tallo ku darrayaa
Dumaal seegi maysee
Dabadhoonka geeliyo
Diiriye Warmaaliyo
Doob guun halagu xidho
Jan 31. 2020
Culimo

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso