Posts

Showing posts from May, 2022

Kohasho

 Kallahaadda subax Doorashada laysku kululeeyay  Ee kabaha loo wada illaday koow shan iyo maayo Kam markii la yidhi codadka Ee kooramku is taagay Kiciwaynay ee orod nin raba waa kadaabnimo e Waydinkii kardhanayee lahaa waa kud iyo Hoog e Iminkaad kob dulinliyo Abaar nagu kaxayseen e Oo kur dheer ka tuurteen Dalkii Kiisna geliseen e Adba karis xuneey waad  la'dahay Inaad kifaaxdaaye Inkastuu kax yahay shacabku oo cadho Kurboonaayo kubaddu waa cadaan iyo madaw Kulan ciyaareed e Kursiguna midh weeyoo ka badan Kaafka kuma  yaal e Karhimayno waynuhu waxuu noo katibay Jeer e Farmaajana karkabo wuu ka baxay lagu kadeedaaye  Korkiisana xil culus baa ka dhacay kaahna waw baxaye  Isaga oo karaamaysan oo Cidi Karaahyaynin Bulshaduna kalgacal aad u badan ugu kalaamayso Oo Shisheeyihii Kibirsanaa Keenada u giijay Kirna yidhi Baddeenii Mar hore kenya Laga iibshay Kamaandoosna noo sii dhisiyo Ciidan Kumannnaan ah   Oon kiishas sii buuxsan oo kaarto nagu boobin K...