Kohasho
Kallahaadda subax Doorashada laysku kululeeyay
Ee kabaha loo wada illaday koow shan iyo maayo
Kam markii la yidhi codadka Ee kooramku is taagay
Kiciwaynay ee orod nin raba waa kadaabnimo e
Waydinkii kardhanayee lahaa waa kud iyo Hoog e
Iminkaad kob dulinliyo Abaar nagu kaxayseen e
Oo kur dheer ka tuurteen Dalkii Kiisna geliseen e
Adba karis xuneey waad la'dahay Inaad kifaaxdaaye
Inkastuu kax yahay shacabku oo cadho Kurboonaayo
kubaddu waa cadaan iyo madaw Kulan ciyaareed e
Kursiguna midh weeyoo ka badan Kaafka kuma yaal e
Karhimayno waynuhu waxuu noo katibay Jeer e
Farmaajana karkabo wuu ka baxay lagu kadeedaaye
Korkiisana xil culus baa ka dhacay kaahna waw baxaye
Isaga oo karaamaysan oo Cidi Karaahyaynin
Bulshaduna kalgacal aad u badan ugu kalaamayso
Oo Shisheeyihii Kibirsanaa Keenada u giijay
Kirna yidhi Baddeenii Mar hore kenya Laga iibshay
Kamaandoosna noo sii dhisiyo Ciidan Kumannnaan ah
Oon kiishas sii buuxsan oo kaarto nagu boobin
Kor intaan ku sheegiyo waxqabad cidina koobaynin
Kanshadiisa Waa soo gutoo wayna kaafiyay e
Kashka iyo qalbiga wuxuu u degay Kaalin uu galay e
Mahadsanid kunjeer dhaha Mar bay kohasho joogtaaye.
Culimo
#2022election
#ThankyouFarmaajo
Comments
Post a Comment