Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha
Geeraar: Yaa Waduud 19/04/2017 Dhacdiyo waa wakhtigeedoo Warka aan maqlaayaana Mid wanaagsanba maahoo Welwel baaba isaaqayoo Qayladaa wilanaysa oo Abaar aan waxar reebinoo SIMA loogu wanqalayoo Xoolihii wadartoodibaa Bakhtigoodii wadhaysaa Wadankii ka holcaysee Yaa waduud yaa waduudoow Waynihii na abuurtayoow Waqal rooba nasiiiyoo Soo waraabi makhluuqa. Dadkii wuu walbahaarayoo Wareer baay ku jiraanoo Waalay qaar ku sigteenoo Qaar xanuuno ku wiiqma'e All-wahaabu Bogsiiyeey Wiiraskaa baxayaa iyo Waa wareeyda adoonkiyo Naflahaa wadaliitaba Anagoon wahsanaynoo Waajibkii gudanaynaa Waxtarkood ma awoodnee Adigaan wax u waayine All-waarithu Yaa All- qayuumu Allahaanu watiin iyo Waduxaada dartiisiyo Werdiga aanu uhaynoow Weedhu waa baryadaadee Wakhtigaan ducadaada Wawga aan ku qoraayo Waaberyey ku dhawaatee Yaa waduud yaa waduud Waxsan noogu gargaareey Biyihii walacdoodiyo Wiyeerkii majiraanoo Cagaarkii widh-widhaayiyo Dhulkii baad laga...