Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha
Geeraar: Yaa Waduud 19/04/2017
Dhacdiyo waa wakhtigeedoo
Warka aan maqlaayaana
Mid wanaagsanba maahoo
Welwel baaba isaaqayoo
Qayladaa wilanaysa oo
Abaar aan waxar reebinoo
SIMA loogu wanqalayoo
Xoolihii wadartoodibaa
Bakhtigoodii wadhaysaa
Wadankii ka holcaysee
Yaa waduud yaa waduudoow
Waynihii na abuurtayoow
Waqal rooba nasiiiyoo
Soo waraabi makhluuqa.
Dadkii wuu walbahaarayoo
Wareer baay ku jiraanoo
Waalay qaar ku sigteenoo
Qaar xanuuno ku wiiqma'e
All-wahaabu Bogsiiyeey
Wiiraskaa baxayaa iyo
Waa wareeyda adoonkiyo
Naflahaa wadaliitaba
Anagoon wahsanaynoo
Waajibkii gudanaynaa
Waxtarkood ma awoodnee
Adigaan wax u waayine
All-waarithu Yaa All- qayuumu
Allahaanu watiin iyo
Waduxaada dartiisiyo
Werdiga aanu uhaynoow
Weedhu waa baryadaadee
Wakhtigaan ducadaada
Wawga aan ku qoraayo
Waaberyey ku dhawaatee
Yaa waduud yaa waduud
Waxsan noogu gargaareey
Biyihii walacdoodiyo
Wiyeerkii majiraanoo
Cagaarkii widh-widhaayiyo
Dhulkii baad laga waayayoo
Siigadaa wafta haysoo
Waasac weeye mugwayno
Adiga uunba ka wakiil ahe
Yaa waduud yaa waduud
Soo waraabi makhluuqa eey
Soomaalidu wiil Abtigiisiyo
Waa walaalo Ilaahayoo
Wanaaga way is faraanoo
Marna weerar colaadiyo
Waranka waysku ganaane
Inta aanu wadeecadiyo
Walaaqayno danuubtana
Wiish intuu nagu yeedho
Wedku yuu na haleeline
Wadiiqadii Nabigii baan
All-waxiidu rabnaayeey.
W/C Caasha Luul Cumar Jaamac culimo Culimo2017@gmail.com
Dhacdiyo waa wakhtigeedoo
Warka aan maqlaayaana
Mid wanaagsanba maahoo
Welwel baaba isaaqayoo
Qayladaa wilanaysa oo
Abaar aan waxar reebinoo
SIMA loogu wanqalayoo
Xoolihii wadartoodibaa
Bakhtigoodii wadhaysaa
Wadankii ka holcaysee
Yaa waduud yaa waduudoow
Waynihii na abuurtayoow
Waqal rooba nasiiiyoo
Soo waraabi makhluuqa.
Dadkii wuu walbahaarayoo
Wareer baay ku jiraanoo
Waalay qaar ku sigteenoo
Qaar xanuuno ku wiiqma'e
All-wahaabu Bogsiiyeey
Wiiraskaa baxayaa iyo
Waa wareeyda adoonkiyo
Naflahaa wadaliitaba
Anagoon wahsanaynoo
Waajibkii gudanaynaa
Waxtarkood ma awoodnee
Adigaan wax u waayine
All-waarithu Yaa All- qayuumu
Allahaanu watiin iyo
Waduxaada dartiisiyo
Werdiga aanu uhaynoow
Weedhu waa baryadaadee
Wakhtigaan ducadaada
Wawga aan ku qoraayo
Waaberyey ku dhawaatee
Yaa waduud yaa waduud
Waxsan noogu gargaareey
Biyihii walacdoodiyo
Wiyeerkii majiraanoo
Cagaarkii widh-widhaayiyo
Dhulkii baad laga waayayoo
Siigadaa wafta haysoo
Waasac weeye mugwayno
Adiga uunba ka wakiil ahe
Yaa waduud yaa waduud
Soo waraabi makhluuqa eey
Soomaalidu wiil Abtigiisiyo
Waa walaalo Ilaahayoo
Wanaaga way is faraanoo
Marna weerar colaadiyo
Waranka waysku ganaane
Inta aanu wadeecadiyo
Walaaqayno danuubtana
Wiish intuu nagu yeedho
Wedku yuu na haleeline
Wadiiqadii Nabigii baan
All-waxiidu rabnaayeey.
W/C Caasha Luul Cumar Jaamac culimo Culimo2017@gmail.com
Comments
Post a Comment