Sheeko hal xidhaale ah
Wiil dhalinyaro ah ayaa isagoo baadidoon ah oo geel ka lumay raadinaya waxa uu ku soo baxay oday geed hoostiis fadhiya Salaan iyo is xaal waraysi kadib Wiilkii wuxuu usheegay inuu ku raadjoogo geel kasoo lumay Laba maalmood ka hor Meel fog uu kasoo baqoolay, Halkaa markay arini marayso ayaa Dhankaas Bahol ka xigta waxaa ka ka yeedhay cod qof dumara oo leh "war hayaay war hayaay yaa islaam aheey" Odaygii baa yidhi war bal adaa iga fudude Sii orod waankaa daba imane Oo dhugo meeshaas laga qaylinayo, Wiilkii Wuu sii talaabeeyay Isla markiiba qof dumara oo Wayn baa ka hortimi "maxaa ku helay? War nin mayd ah baa halkan yaalla Bay kutiri Wiilkii dhalinyaradda ahaa Wuxuu ku soo laabtay Odaygii Oo markaa go'iisii hurgufanaya Balse aan dhinacna udhaqaaqin, Wuxuu ku yiri ee adeer Meesha nin mayd ah baa yaal, odaygii wuxuu yiri Ina maribal Wiilkiina wuu dhaqaaqay Isaga oo talaabo dheeraynaya Markii uu geedkii u horeeyay shishadda ka maray ayuu odaygii gucle Udhaqaaqay oo meel kale Afka saaray iskana tagay , wiilkii iyo qoftii dumarka ahayd Ayaa ninkii Dulyimi , waxay tiri anaa Kaa wayn oo inbadan qof dhintay usoo joogee Hooyo aynu hubino inuu mayd yahay iyo inkale ,hayeh buu yiri , Ninkii baa la rogrogay Marba xidid lataabtay Waysadeedii ay xambaarsanayd madaxa kaga shubtay Cabaar kadibna Ninkii wuuba soo miiraabay(naaxay) War maxaa ku helay ? Awrbaa i haraayay Buu ku jawaabay , Saddexdoodiiba waa laysa soo raacay oo geedkii baa la hoos fadhiistay , islaantii "Alla markaan arkay qofka meesha yaalla mayd baan mooday Waan naxay runtii" , Wiilkii anigga iyo oday baa geedkan hoos fadhinay Qayladda ayaan maqlnay ", Oo meeyay odaygii baa lagu yidhi" Igasii horee buu idhahay ma aqaan meel uu aaday, . Sanad kadib Xilli ay barwaaqo tahay Oo dayr fiicani cariga maashaysay Baa odaygii oo meel Kaam ah ka shaahaya laba oday oo kalena lasheekaysanaya ayuu Wiilkii dhalinyaradda ahaa maqaaxidii soogalay , Odaygii Baa naxay oo is yidhi wuxuu ku odhanayaa Alla waakan odaygii Ee berigii maxaad nooga baxsatay horta?, Sheekaddii oo odayada uwaday ayuu halmar ubadalay wuxuu yiri "warfaayoow aabahay Alle haunaxariiste ayaa iisheekayay beri aan kurey Ahaa wuxuu yidhi aabe banaankiisa mare maradiisa qodaxi ma qabsato e awawgey guuleed Ayaa beri isagoo socoto ah wuxuu kusoo baxay Laba nin oo is dilaya oo tabco iskulajira markaasuu damcay inuu kala qabto Markuu Alaabtiisii dhulka dhigtay Balse aanu weli gacan lasoo gaadhin Ayaa labadii nin mid ahaani Toorey lasoobaxay Oo kii kale feedha kaga dhaabay ,kii tooreyda lageliyay baa muusanaabay oo yidhi ninkaasaa ninka iiqabtay Arinkii cirkaas buu isku shareeray Ugu danbayn awawgay Qaantii badh baalaga qaaday Markaa hadda waxaan uga socdaa inaadeeroow Dunidani waa mixnad miidhane banaankaas kamar , odayadu sheekadda wax looga socdo may fahmin balse waa koow hayee daas uunbay hayeen Inankuse waa fahmay in isagga loo golleeyahay Dhoosha ayuu ka qoslay ,.
Hadaba hadaad wiilkaas dhalinyaradda ah ahaan lahayd Odayga sidee isaga celin lahayd adoo aan nimanka kale fahansiinayn in adiga iyo odaygu aad isu duur xulaysaan , waxaa lagaa rabaa sheeko wadata maahmaah oo dulucdeedu tahay tusaale ahaan
B: Odaygu inuu fulay ahaa, T:inuu hubsiimo la aan Sameeyay,
J: inuu gacan adagyahay oo uu xoolihiisa ubaqay
Haddii aad alifi kariwaydo sheekadaas B,T,J mid dooro anaa samayndoona e
W/Q Caashaluul Cumar Jaamac Culimo
culimo2017@gmail.com
W/Q Caashaluul Cumar Jaamac Culimo
culimo2017@gmail.com
Comments
Post a Comment