Maanso Soo celiya Nabaddii
Bismillaah Maansaddan waxay soo baxday 13/04/2017 waxaana ubixiyay SOO CELIYA NABADII waxay ku saabsan tahay beelaha walaalah ah ee in muddo ah ku dagaalamaya deegaanka gobolka Sool koonfurtiisa iyo gudaha magaaladda Laascnood , runtii waa arin aad ufoolxun una murugo badan waxaanse Ilaahay uga baryayaa inuu heshiis buuxa dhexdhigo
Cakuyeey tolkay iyo
Ciidaan jeclaayeey
Urugaa calooshiyo
Cindigayga gubaysoo
Dhiilada colaada
Cishadii timaadaba
Caradii garaadkiyo
Dhumaydii ka curatee
Caadilkii na uuntoow
Degenaansho caamiyo
Nabad baan codsanaynaa
Maxaa curad la aasoo
Aqaladu cidloobeen
Hooyo beercadaatiyo
Aabe Waayay Cunugiis
Cantuugaaya dibintii
In lakala cadhoodaa
Waa caado aadame
Cafis baase khayrbadan
Deriskiyo cashiiradda
Walaalaha colaabee
Cadaawaddu dhextaalaa
Waa camal ibliisoo
Waa dhaqan cajiiboo
Caqli Guuray weeyaan
Colaadaha sokeeyuhu
caaqibiyo wanaagiyo
Cisi keenimaayaan
Guga curasho seegiyo
Cuudkaa dhamaadiyo
Cudurada Dilaaciyo
Cuqdad weeye dhaxalked
Culimadda hadlaysiyo
Caaqiladda ordaayiyo
Dumarkiyo caruurtiyo
Dulmanaha la ciiliyo
Codsigii abwaankiyo
Cabashadda agoontiyo
Dhugta caydigaasoo
Labadiina cuuree
Is caydh-caydhsanaayee
Hadba hanad Cunaayee
Carada uqodaayoow
Soo celiya nabadii
Caadilkii na uumoow
Degenaasho caamiyo
Nabad baan codsanayaa
Intaad ruux caqiibaleh
Dhulka lagu cajiimee
Qori caaraddiisiyo
Dilka lagu cadibay shalay
Cadad laguma koobee
Soo celiya nabadii
Inamadda cartamayee
Cabaynaaya Aakaha
Dhiiga aad cabaysaan
Denbi culus inuu yahay
Cadaymaha ma moogtiin?
Inamadda cartamayee
Codka shacabka diidoow
Inamadda cirooliyo
Samatalis ka caagiyo
Dhegahaa cafuufmoow
Ruux aad cadkiisiyo
Xinjirtiisa Cunaysaan
Caaddo hadaad ka dhigateen
Casharadda qur'aankiyo
Sunahu idin celinayn
Cishadaa danbaysiyo
Lama cararo aakhiro
Meel loo carceeriyo
Carabaha udhoof iyo
Ciidankii qabiilkiyo
Anaa reer cismaaniyo
Anaa reer Caraale ah
Cooba karis majoogee
Casiiskiin ka yaaboo
Soo celiya nabadii
Guurtidood canaadiyo
Namiimka aad codkiisiyo
Maqashaan Cajiladdaha
Lagu ciirshay gobonimo
Cadho Eebe mooyee
Cisi keeni maysee
Soo celiya nabaddii
Marya calasta ururtiyo
Mooryaan cartamaysaa
Waxa ciidda soomaal
Caynkaa ka yeelee
Ceebeyey weeyee
Casiiskiin ka yaaboo
Soo celiya nabadii
W/Q Caashaluul Cumar Jaamac Culimo
Comments
Post a Comment