Maansadda Saxansaxo 2013

 SAXANSAXO
waa maanso ka mid ah silsiladda SAHAN oo ahayd is xaalwaraysi   oo uu furay Gabya Ismaaciil cali boobe ,
13/11/2013 ayaan faafifay  markii ugu horaysay
Kabogosh wacan

• Saad iyo wasaafaad
• Albaqriyo sulsilad iyo
• Sodonkii kitaabkiyo
• Salaantii islaamkiyo
• marka hore salaan guud

• Sadarkaa kusiixiga
• Sahanbaa ladiray oo
• Socotaa maqnaydoo
• Siinleey warkeedii
• Qaarbaa lasugayee
• Ha saldhigo hayaankuye
• Samirkii miyuu gudhay?
• Safar dheer Ayaan galay
• Saxariir ma aan arag
• Adna hay saluugine
• Saadaadu samalee
• Waayeel sadcaaal galay
• Wax uun buu sidaa oo
• Sacab madhan makeene
• Sarajoog ma fiicnee
• Soo gogol ardaagana

• Saxansaxo Ayaan ahay
• Ardigeenii soomaal
• Sawd ayaan kakeenee
• Sawirkii bal iga hoo

• Afartaa Samiyo nabad
• Saxan saxo ku qaadiyo
• Seermawaydo roobad
• Sida malabka doocaan
• Murti saafano saxan
• Sooryoweeye qaaliya

• Sool iyo sanaagiyo
• Saldhigii taleex iyo
• Cayn sabaradeediyo
• Soonahii darwiishkaan
• Saakana kasoodiray
• SAXANSAXO midaan idhi

• Samaaloow ismaaciil
• Siinlaydan wacan Iyo
• SAHAN kii bilaabee
• Soo furay silsiladoow
• Adigaa I su'aalo
• Suugaan yaqaankiyo
• Saqaafbaa isugayse
• Saligaan ku dhalaniyo
• Sabadeenii fiicnayd
• Anaa saaka joogee
• Sano waxaan ku haynaa
• Saxo cafimaadoo
• Sareediyo barwaaqoleh

• Soomaalinimadii
• Sidii waw dar yeela
• Sumadeeni keliya iyo
• Calankaanu sidanaa
• Sinji qudha in aan nahay
• Sidii wawgu doodnaa
• Sawdka iyo diintiyo
• Sawrac inaan wadaagnana
• Sidii baan usheegnaa
• Soomaali oo idil oo
• Hal siraad maraysana
• Sidii baan ujeclahay
• In la soohdimeeyoo
• Sabar sabar ahaatana
• Sidii baan u diidnaa.

• Soomaali oo dhami
• Saylac iyo hiraan
• Xamar iyo saraar iyo
• Saaxil iyo nugaal iyo
• Qoraxeey iyo sooliyo
• Sinta baydhabiyo cayn
• Saaxadii bu aaliyo
• Saracyada kismaanyiyo
• Galguduud sanaag iyo
• Sacmadeeqa iyo mudug
• Samalaay shabeelada
• Surinka caabudwaaqiyo
• Qardho iyo sarmaanyiyo
• Sawdka iyo waqooyiga
• Nfd salkeediyo
• Halkii Cali sabiixiyo
• Galbeedka safkaa jira
• markii aan sir iyo caad
• suuradiyay idilkood
• Inkastoo laka siray
• Seere seere laga dhigay
• Sideed maro sitaano
• Siyaasadaha dunidiyo
• Suntu tahay qabiil kii
• Oo uu saluug jiro
• Sartii layga beeriyo
• Misna waa sokeeyoo
• Kala sooci maayee
• In waliba sedkeedii
• Saaka way helaysaa

• Diintaan kusoconaa
• Sunaha iyo faralkaba
• Midna maanu siidayn
• Sistemkii aqoontiyo
• Buugaanu sidanaa
• Saaxiibku waa qalin
• Saqda dhexe habeen iyo
• Marka samaddu kulushahay
• Saldhigyada waxbarashada
• Sida goob salaadeed
• Sidiii waw dareernaa
• Satalayta hawadiyo
• Suxuuntaa wareegtiyo
• Kuwa samada tiigsaday
• Dayaxaan la soconaa

• Afartaa Samiyo nabad
• Sadarkale bal iga hoo

• Sanad dayra weeyaan
• Dhulku saaci soo baxay
• Biyuhuna soconayaan
• Rahiina u sanaadhki
• Dul sabeeyay boholaha
• Sddexdeeni duunyiyo
• Dhamaan soofka xoolaha
• Soohanteeda geela
• Same qoobyaraha adhi
• Lo’da sararta waawayn
• Sidiibaan u leenahay
• Geelu sarinku daaqaa
• Iyo saarka buuraha
• Idihuna sifaarkii
• Riyuhuna soolkii iyo
• Dhirtii way salooshan
• Gamaankuna seeraha
• Ayay dibinta saaraan
• Oo saynta lulayaan

• Subagaanu lulanaa
• Sixintaanu dhiganaa
• Suusaca iyo karuurkuba
• Sibraaraday ka buuxaan
• Qumbahaa safsaf u yaal

• Sebiga iyo dhalaankaba
• Sacabka waxaan usaaraa
• Burcad saafiyo wacan

• Hidaha soo jireeniyo
• Dhaqankeena suubane
• Weli muu salguurine
• Sare Ayaan uqaadnaa
• Aqalkaan samaynaa
• Xadhigaanu soohnaa
• Harar sadexle qurxux badan
• Weedhka iyo saabkaba
• Satiga iyo haamaha
• Sibraarkiyo xeedhyaha
• Loolka guri la saaraba
• Dhigton asal ku subagnaba
• Waanu suubinaa weli

• Sacabaanu tumanayaa
• Sidi sidi ciyaarnaaa
• Saylaci iyo dhaantada
• Jaandheerta oo sugan
• Iyo suugaanta oo idil
• Midna maanu siidayn

• Xidid saalaxiinoo
• Intay soorya bixiyaan
• Hablaha isasiiyoo
• Yarad ka isku sooco
• Sumacad iyo xishood iyo
• Samaan ay dhextaaliyo
• Boqor iyo suldaankii
• Garaadkii sareeyayba
• Sidii waw qadarinaaa

• Martida socota laylkii iyo
• Casarkuwa sadcaalka ah
• Midna lagama seexdee
• Saligaan ufidinaa oo
• Sulubeey hashiibaan
• Caanaheda saxarli i
• Qorogyada kusiinaa

• Sadex sano wankii jira
• Ama saaid dheeradban
• Saacadaa uloognaa
• Xeedhadana usaarnaa

• Ilaahay sareeyee
• Dadka maanu wada simin
• Subaxaad dhergaysana
• Kuwa sooman baa jira
• Aan dab saaran dherigii
• Kolay seenyo noqotana
• Sawrac xoolo aan hayn

• Sabada deriska kulayal
• Ma sahlana su'aashuye
• Waan siyaaranaa oo
• Maalkaanu siinaa
• Saami baanu bixinaa
• Sedka Eebe nagu simay

• Saracaanu beerna
• Sinsinta iyo timirtiyo
• Sareenkiyo galaydiyo
• Sorgamta iyo muuskiyo
• Saladhkiyo basbaaskiyo
• Cambaha iyo saytuun
• Sagaal boqol kabadanoo
• Khudaar iyo sin ubaxyo ah
• aanan siin ku koobayn
• Ayaan saaka haynaa
• Waana samadka mahadii

• Saakuun waxii iman iyo
• Saadaashu waa khyr
• Rabi baan sugaynaa
  • sacabada udhiganaa
  • Allahayaw na saacidi
  • subxaanaw Allahayow 
  • adigu khyr na solonsii
  • marka suurku uu dhaco
  • kuwa ay saquumkiyo
  • samhariira naareed 
  • soorta ay ka dhigatana 
  • safkoodii hanaga dhigin         Dhamaad: W/Q Caasha Luul Cumar Jaamac  Culimo

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso