Posts
Kohasho
- Get link
- X
- Other Apps
Kallahaadda subax Doorashada laysku kululeeyay Ee kabaha loo wada illaday koow shan iyo maayo Kam markii la yidhi codadka Ee kooramku is taagay Kiciwaynay ee orod nin raba waa kadaabnimo e Waydinkii kardhanayee lahaa waa kud iyo Hoog e Iminkaad kob dulinliyo Abaar nagu kaxayseen e Oo kur dheer ka tuurteen Dalkii Kiisna geliseen e Adba karis xuneey waad la'dahay Inaad kifaaxdaaye Inkastuu kax yahay shacabku oo cadho Kurboonaayo kubaddu waa cadaan iyo madaw Kulan ciyaareed e Kursiguna midh weeyoo ka badan Kaafka kuma yaal e Karhimayno waynuhu waxuu noo katibay Jeer e Farmaajana karkabo wuu ka baxay lagu kadeedaaye Korkiisana xil culus baa ka dhacay kaahna waw baxaye Isaga oo karaamaysan oo Cidi Karaahyaynin Bulshaduna kalgacal aad u badan ugu kalaamayso Oo Shisheeyihii Kibirsanaa Keenada u giijay Kirna yidhi Baddeenii Mar hore kenya Laga iibshay Kamaandoosna noo sii dhisiyo Ciidan Kumannnaan ah Oon kiishas sii buuxsan oo kaarto nagu boobin K...
Kaftankii AstaanTV ee Somalia waa nin iyo waanaag! Jawaabta aan ka bixiyay
- Get link
- X
- Other Apps
Gardaradu dadkaygoow Marna way ku dilaysaa Marna waad ku dagantaan Haddaan doonyaqaad ahay Dacwo Ila fogaatiyo Sheeko duulxurkeedii Dahab aan ku lumiyoo Dood aan ku bixiyaa Daaha aan ka faydiye Warka aad daldalaysaan Horta waa Dabayl jaan Naag dibad wareeg iyo Duulduul taqaannoo Hadba Guri daf tidhi iyo Dalku naag xun weeyaan Kuwa yidhi Ka diidnaye Hadalkooda dalabta leh Duqda may ka dayaan Naag masayr diloodoo Odaygeeda diidoo Caruurteedi dooxday oo Dulqaad aan lahayn iyo Beentiyo xantaa daran Dumarkii ku baaqoow Idinka iyo dalagiin Dusha waxaad ka saarteen Denbi aanay gelin oo Waxaad duudsiyaysaan Xaqeedaa dahsoon oo Waxaad dabamaraysaan Hadal duurxulkeedoo Dadab waxaad u geysaan Daacad nin aan ahayn oo Dacwo waxaad ka qoraysaan Deeqsigay u mahatoo Derbi waxaad ku xidhaysaan Digtoorkii dhayaayaye Maydinkaa duciyo khayr SOOMAALIYA degta u shudhay Dalku naag agoonliyo Danyar gabadha weeyo Ayaankeedu daranyahay Duruus iyo cilmina baran Ta...
Duni Guracan
- Get link
- X
- Other Apps
20 Feb.2015 Waa duni guracanoo Garaad laawe xoogsaday Gumaynaayo shacabkoo Gawracaayo madaxdoo Axmaq gaardinayoo Gabalkii dhacaayiyo Waagii guduutaba Goblan hooyo joogtiyo Guurtida lalaayaa Ay geesinimo tahay!! Waa duni guracanoo Xaqa garabka laga maray Diintana lagaasiray Muslinkoo lagawraco Tahay guusha ugu wacan!! Waa duni guracanoo Gaalkiyo islaamkii Ficilkood gudboon yahay!! Waa duni guracantoo Aakhur saman uguurtoO Wakhtigaa gabaabsiya Allahayaw gargaarbaan Gacmahaa uhoorsaday ! Waa duni guracantee Goodkiyo abeeskiyo Dadka kii gumaadiyo Intuu gacan ku dhiiglahu Golayaasha joogee Gorfaynaayo xaajada Caku sharaf lagaadhiyo Guri nabadi taaliyo Qaranimo god dheeriyo Geeed saray dul sudhan tahay Culimo Cumar Jaamac
Midnimada
- Get link
- X
- Other Apps
MIDNIMADA Midnimadu waxay ka bilaabataa qofka laftiisa ,midigtiisu waxay awood badan tahay marka bidixdu kaalmayso, sidaa awgeed Qofkaasi wuxuu midaynayaa dantiisa iyo ficilkiisa sababtoo ah hadii dantaadu tahay inaad caana dhanaan cabto islamarkaana aanad rabin ama aad ka caajisto inaad soo qaadato waa dhib ku haysata oo tafaraaruq ku ah naftaada iyo noolaanshahaaga , Qofka oo mideeya rabitaankiisa iyo uhawlgalideeda wuxuu ka muhiimsan yahay midawga laba qof oo isku aragti iyo isku ujeed ah , marka laga soo gudbo jaranjarada midaynta laba qof ayaa loo gudbaa qoys ama koox ,qoys ama koox midawday baa lagu gaadhikaraa midaynta hal qabiil isla jeerkaas halka qabiil ee midaysab wuxuu midaynkaraa qabiilooyin, qabiilooyin midoobay baa noqonkarta qaran midaysan Fikirka Culimo Cumar Jaamac April 10. 2105
Run iyo xaqiiq
- Get link
- X
- Other Apps
XAQIIQA IYO RUN CAD 1:daangadda (saloolka) waxaa sida caadiga ah lagu shiilaa dheri isku mid ah, Saliid isku mid ah, hal mar ayaana lasaaraa Kul heerkiisu isku mid yahay. Laakiin Isku mar Mawada bislaato. 2: Marka uu daadku yimaado Kalluunka ayaa cuna Qudhaanjadda ,marka uu Daadku gudhana Qudhaanjadda ayaa cunta Kalluunka. 3: si loo sameeyo saabuun waa in la helo saliid,Si saliida loo maydhana waa in saabuun lahelo ,tani waa sarbeebta Nolosha. Qof kasta waxa uu u baahanyahay qof xaalad walba oo wakhtigiisa ah. Ha quudhsan cidna Ama ha uladhaqmin Si quudhsasho ah marka ay guulaystaan ama guul daraystaan intaada in ka badan. Waxaa jira wakhtiga waxkasta iyo cidkasta .Aamin Ilaahay oo sug markaaga . Wakhtigaaga wuxuu imaanayaa marka Ilaahay ugu talagalay.Ha quusan Isaga(Alle SWT) ayaa waxkasta qurxinaya Xiligiisa e. Si aad ufahanto waxa ay Noloshu tahay waa inaad booqato saddex meelo...
Dhulkiibaa dacwad oogay Maanso
- Get link
- X
- Other Apps
17 may 2017 Dhulkiibaa Dacawooday! Daruurbaa waramaysa Oo dushaa sare joogtay ; iyaa daruur aa! Dhalkii baa dacwad oogay Waxa uu damcay saaka ;hee Inta Uu is diyaarsho Dable ciidama haystoo Dusha uu ka yaqaano Inuu dood lawadaago Dalabkiisa usheego ;waa koow ,haye Halkii dawladda hoose Markuu soo doc istaagay Hooyo Diilalyo haysoo Albaabkaa dabadiisa Keligeed yar dangiigta Salaan diiran ma siinin , markaana Dabadeedna xogtiisa Islaantii durdursiiyey Warkiiyuu daldalaayo Oo duqdiina ilmaysay Askari dayrka ilaasho Debedaa marmaraaya Dulucdii ma dhegaysan ;hayaay !waaba CID! Dablihii cali daahirna Isagoo degdegaaya Daf masoo dhihin meesha Digtoonawda war qaata Aaway diiriye faarax Cabaar buu digdigleeyay ;Waa iska saase. Shan daqiiqo gadaalna Dalmarbaa ku afuufay Warkiiyoo isku duuban ; ...