Ciil

Arrimahan cakiran laabta way iga cusleeyeen
 Cibaadaysi weeye nin raggi waa cartamayaa e
Haddaan ciidan xoogliyo awood doorkan carinaayo
Coobaha kuwii karinayay Cabasho haysaaye 
Cafisna waa ka xaaran ninkii caada qaata ahe
Ma calaacal baa furan naftaan ciil u jarayaa e
Hayeeshee canaan baan wadaa curad Siciidoow e
Mid dadkaygi cunay oo misana caga juglaynaaya
Marna caytamaayaan arkaa oo Cadiigsadaye
Caleentiisii baa soo dhacdoo Dhawr cishaa  hadhaye 
Waana caamo kibirtoo Digriga Eebe caasiyay e
Curaafaysi iyo waxuu yaqaan maan carqaladayne
Cashiiriyo ma dhawraan dar ay calaf wadaageene
Abtigu waa ceshiimaysi ay kugu curyaansheene 
Iyaguba cadgoostoo Weliba caam ahaan qire e
Cunfi iyo colaaddiyo maxaa carasho noo diidan?
Caqligaa Dhulbahantoow dhabtii kaa calaashamaye 
Ceegataallo mooye war sugan Lagugu cawreeye
Caadbaa runtii kaa xigiyo dhediyo ceeryaan e
Ciyaar baad ujeedaan mar qudha maba cadhootaane
Cawys iyo xarago lama rabiyo Ceesh la dhuunyado e
Caantaynka iyo wararka iyo Ciniqu waa shuushe 
Cahdi iyo balani waa midii laysu celiyaa e
Carabkiyo afkuun lagama dhaho Shay caqiida ahe
Hadalka aan calooshiyo ka iman beerka cidhifkiisa 
Cadaab iyo waxaa lagu galaa naar culays badan e
Cilaaj miyaad rabtaan booweyaal waan cajabayaa e?
Cindigaygu suu rabo Malaha kuu cuntami waaye 
Noloshani cidhiidhka ah ayaan carar ka joogaaye
Cirdigiyo karaamada danbaa loo cugtamayaa e
Ciyaalkiyo dhashaan doonayaa in aanay ciishoone 
Hawo caafimaad iyo dhul ay sharafi ceegaagto 
Calankooda hoostiisa inay caga bidhyoodaane
Cashar maad u reebtaan ilmahan cagacadaan taagan?
Da'yartiyo caruurtii waxay ka calwasaadayso 
Coomirada bustaha saarayow caarif baan ahaye 
Canaadkana waxaa kuugu wacan waad cimriyaysaane
Cidhibtiina iyo uma tudhaan Cuurka reeraha e 
Caqiibiyo haddaad leedihiin Caaqil talinaaya e
Ciirrada ka baxa meel xun baad coofka dhigaysaane 
Dhalinyarooy cajuusadahan baas  ee dhakada cawlan
Madaxuna cadaadaan ka nixin in aad carcaartaane 
Casar waa cadceed joogta oo sii caraaba ahe 
Cunaha yaanu idin qabaninee Caynsha dalabkeena
Cunto aan bislayn lama liqiyo hilibka ceedhiine 
Cadho iyo hal uu cudur hayaad dhiil u culataane
Haddaan ciidda loodhiman karayn camal san weeyaane 
Cirka sare ayay naga jirtaa caawin nololeed e
Cawaan miyaa tihiin dee tashiga waad cancamisaane ?
Sir iyo caadbaa laynoo dil see caajis baa jira e 
Cabdaliyo qofkii garanayaa shiikhii ina caalin 
Ee shakuur codkiisii hayiyo Geenyo Cali saadle
Caynaano nabaddeed ma sugo waa ka caaganiye 
Codsigoodi waa inuu fulaa Laguna ciidaaye
Coogcooga maxaa noogu wacan Saw cid lama dooran?
Xamarkii casaa iyo adoo caynab faras haysta
Oon caaradhuubtiyo shilkaha cududi kuu buuxin
Gaalkii caddaa waydinkii maalin caydhsadaye
Sun inaad cabteen iyo inaad ka cabsateen Guusha 
Caynkay ahaataba haddeer cirirku kaa hoosye 
Caado uma lahayn Dhaqankan aad maanta curiseen e
Cusboonaada Ceebtana kabaxa Caadil baa jira e .
31 Jan 2023

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso