Dhulkiibaa dacwad oogay Maanso
17 may 2017
Dhulkiibaa Dacawooday!
Daruurbaa waramaysa
Oo dushaa sare joogtay ; iyaa daruur aa!
Dhalkii baa dacwad oogay
Waxa uu damcay saaka ;hee
Inta Uu is diyaarsho
Dable ciidama haystoo
Dusha uu ka yaqaano
Inuu dood lawadaago
Dalabkiisa usheego ;waa koow ,haye
Halkii dawladda hoose
Markuu soo doc istaagay
Hooyo Diilalyo haysoo
Albaabkaa dabadiisa
Keligeed yar dangiigta
Salaan diiran ma siinin , markaana
Dabadeedna xogtiisa
Islaantii durdursiiyey
Warkiiyuu daldalaayo
Oo duqdiina ilmaysay
Askari dayrka ilaasho
Debedaa marmaraaya
Dulucdii ma dhegaysan ;hayaay !waaba CID!
Dablihii cali daahirna
Isagoo degdegaaya
Daf masoo dhihin meesha
Digtoonawda war qaata
Aaway diiriye faarax
Cabaar buu digdigleeyay ;Waa iska saase.
Shan daqiiqo gadaalna
Dalmarbaa ku afuufay
Warkiiyoo isku duuban ; ala jabnay ,haye
Daldaloolka ka muuqda
Dibindaabyadda taala
Dadka layska dilaayo
Inta dhiig lagu daadsho
Danyartaa cabanaysa
Dhalintaa dalandooshay
Inta daal nagu raagay
Waxa diif nagu taalla
Dhulkiibaa dacwad oogay ;dhul hadlooya aa!!
Waxaan dayn guranayno
Mar laynoo dawaraayo
Dawladahaa gurmanaaya
Ee dantooda uheelan
Dawo nooma hayaane
Dekedaanu rabnaada
Halkanaan degeynaada
Waanku duulinayaadda
Daadax baan ahayaada
Hadba reer ku dulmeerka
Waysku keen dirayaane
Dhulkii baa dacwad ooge
Daluuntay qodoyaaniyo
Dabinkaas bal ogaada ;Ala oo sirbuu sheege!
Ilaahbaa idilaayee
Dadnimaa ishidaysee
Qof damiirleh ma yeelo
Waxa Aan dugsanayno
Duligaan hadhsanayno
Dhulkiiba dacwad oogee
Tolow maan iska dayno? , een-- waa runtaa
Uurka ruuxa dabaaya
Daainkaan ka wakiishay
Isha ruuxa dabaayana
Daymo waan ku arkaaye
Nimankaa wax danqaaye
Rajadii duminaayee
Mooshin baan diraynaada
Dulucdoodu ahaatay
Miyaanayba doraato
Wixii daar burburaysay
Ehelkii isku dooxay
Wixii dhiig durduraayay
Duunyadii la dhacaayay
Baroortii dumarkeena
Agoontaa dhulka daadsan
Dersi maanay ka qaadan?
Dhulkiibaa dacwad oogee
Dabuubtiisa ugeeyaa ; Omg ilmaa igatimi !!
Qof dareenka wanaaga
Dubaaqiisu ka oodmay
Dibnihiisu xumaanta
Degdeg bay udhahaane
Hadii aad dabaq dheeriyo
Xidigoow sar dangiigto
Oo dabaysha xagaaga
Dugsi aad kagelayso
Dalkii maadan warkiisiyo
Duruuftiisa ogaanin
Dar Ilaah u waraysan?
Dhega maanay duleelin ?
Dhulkii baa dacwad ooge
Daliilkiisa dhegaysta ; Waa arin jirta
Xilkii aad dusha saartay
Dib miyaad ka ilawday?
Inta aad nin da'daayo
Jago dawlad uduuban
Danta guudna uheelan
Dabin aad uqodayso
Bulshaad duudsiyaysaane
Dhulkiiba dacwad ooge
Dulmigaa nagadaaya . runlee waaye
Xildhibaanka ladoortow
Adigaa xilka doontay
Daacad baan ahayaada
Dalka waan dhisayaada
Dawladaan hagayaada
Doolar aanan lahayna
Dalqadaan ka ilaalin
Dugsiyaan furayaadda
Waxaasoo dux iyo weedha
Ma markaad dalabkaagii
Durbadiiba haleeshay
Ayaad daaqad ka tuurtay ; gah gah waa tuug!
Dhulkiibaa dacwad keenay
Alla yaa dabku ooga
Wuxu daalin sanaa leh ; waa gartiidee!
Caashaluul cumar jaamac
Dhulkiibaa Dacawooday!
Daruurbaa waramaysa
Oo dushaa sare joogtay ; iyaa daruur aa!
Dhalkii baa dacwad oogay
Waxa uu damcay saaka ;hee
Inta Uu is diyaarsho
Dable ciidama haystoo
Dusha uu ka yaqaano
Inuu dood lawadaago
Dalabkiisa usheego ;waa koow ,haye
Halkii dawladda hoose
Markuu soo doc istaagay
Hooyo Diilalyo haysoo
Albaabkaa dabadiisa
Keligeed yar dangiigta
Salaan diiran ma siinin , markaana
Dabadeedna xogtiisa
Islaantii durdursiiyey
Warkiiyuu daldalaayo
Oo duqdiina ilmaysay
Askari dayrka ilaasho
Debedaa marmaraaya
Dulucdii ma dhegaysan ;hayaay !waaba CID!
Dablihii cali daahirna
Isagoo degdegaaya
Daf masoo dhihin meesha
Digtoonawda war qaata
Aaway diiriye faarax
Cabaar buu digdigleeyay ;Waa iska saase.
Shan daqiiqo gadaalna
Dalmarbaa ku afuufay
Warkiiyoo isku duuban ; ala jabnay ,haye
Daldaloolka ka muuqda
Dibindaabyadda taala
Dadka layska dilaayo
Inta dhiig lagu daadsho
Danyartaa cabanaysa
Dhalintaa dalandooshay
Inta daal nagu raagay
Waxa diif nagu taalla
Dhulkiibaa dacwad oogay ;dhul hadlooya aa!!
Waxaan dayn guranayno
Mar laynoo dawaraayo
Dawladahaa gurmanaaya
Ee dantooda uheelan
Dawo nooma hayaane
Dekedaanu rabnaada
Halkanaan degeynaada
Waanku duulinayaadda
Daadax baan ahayaada
Hadba reer ku dulmeerka
Waysku keen dirayaane
Dhulkii baa dacwad ooge
Daluuntay qodoyaaniyo
Dabinkaas bal ogaada ;Ala oo sirbuu sheege!
Ilaahbaa idilaayee
Dadnimaa ishidaysee
Qof damiirleh ma yeelo
Waxa Aan dugsanayno
Duligaan hadhsanayno
Dhulkiiba dacwad oogee
Tolow maan iska dayno? , een-- waa runtaa
Uurka ruuxa dabaaya
Daainkaan ka wakiishay
Isha ruuxa dabaayana
Daymo waan ku arkaaye
Nimankaa wax danqaaye
Rajadii duminaayee
Mooshin baan diraynaada
Dulucdoodu ahaatay
Miyaanayba doraato
Wixii daar burburaysay
Ehelkii isku dooxay
Wixii dhiig durduraayay
Duunyadii la dhacaayay
Baroortii dumarkeena
Agoontaa dhulka daadsan
Dersi maanay ka qaadan?
Dhulkiibaa dacwad oogee
Dabuubtiisa ugeeyaa ; Omg ilmaa igatimi !!
Qof dareenka wanaaga
Dubaaqiisu ka oodmay
Dibnihiisu xumaanta
Degdeg bay udhahaane
Hadii aad dabaq dheeriyo
Xidigoow sar dangiigto
Oo dabaysha xagaaga
Dugsi aad kagelayso
Dalkii maadan warkiisiyo
Duruuftiisa ogaanin
Dar Ilaah u waraysan?
Dhega maanay duleelin ?
Dhulkii baa dacwad ooge
Daliilkiisa dhegaysta ; Waa arin jirta
Xilkii aad dusha saartay
Dib miyaad ka ilawday?
Inta aad nin da'daayo
Jago dawlad uduuban
Danta guudna uheelan
Dabin aad uqodayso
Bulshaad duudsiyaysaane
Dhulkiiba dacwad ooge
Dulmigaa nagadaaya . runlee waaye
Xildhibaanka ladoortow
Adigaa xilka doontay
Daacad baan ahayaada
Dalka waan dhisayaada
Dawladaan hagayaada
Doolar aanan lahayna
Dalqadaan ka ilaalin
Dugsiyaan furayaadda
Waxaasoo dux iyo weedha
Ma markaad dalabkaagii
Durbadiiba haleeshay
Ayaad daaqad ka tuurtay ; gah gah waa tuug!
Dhulkiibaa dacwad keenay
Alla yaa dabku ooga
Wuxu daalin sanaa leh ; waa gartiidee!
Caashaluul cumar jaamac
Comments
Post a Comment