Duni Guracan

20 Feb.2015
Waa duni guracanoo
Garaad laawe xoogsaday
Gumaynaayo shacabkoo
Gawracaayo madaxdoo
Axmaq gaardinayoo
Gabalkii dhacaayiyo
Waagii guduutaba
Goblan hooyo joogtiyo
Guurtida lalaayaa
Ay geesinimo tahay!!

Waa duni guracanoo
Xaqa garabka laga maray
Diintana lagaasiray
Muslinkoo lagawraco
Tahay guusha ugu wacan!!

Waa duni guracanoo
Gaalkiyo islaamkii
Ficilkood gudboon yahay!!

Waa duni guracantoo
Aakhur saman uguurtoO
Wakhtigaa gabaabsiya
Allahayaw gargaarbaan
Gacmahaa uhoorsaday !

Waa duni guracantee
Goodkiyo abeeskiyo
Dadka kii gumaadiyo
Intuu gacan ku dhiiglahu
Golayaasha joogee
Gorfaynaayo xaajada
Caku sharaf lagaadhiyo
Guri nabadi taaliyo
Qaranimo  god dheeriyo
Geeed saray dul sudhan tahay

Culimo Cumar Jaamac

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso