Masalooyin * Gabay *
Gabaygan ujeedka aan u curiyay iyo macnahiisaba dhexdiisa ayaad kala soobaxaysaan , laakiin sababtiisu waxaa ay ahayd mar madal aqoomeed oo buugaag lagu bandhigayay layga codsaday inaan ka soo gabyo waxbarashadda ayaa aan curiyay gabaygan oo aan ubixiyay masalo . waa wax laysla ogyahay in aqoontu leedahay faaiido oo ay tahay iftiin halka jahliguna yahay mugdi oo khasaare kulansado laakiin keliya aragti ahaan inaan ucabiro waxaan kasii doorbiday inaan dabci ahaan u cabiro daliilalana ku ladho , sidaa awgeed hala yaabin akhriste hadaad aragto bad iyo doon uu gabaygu ka sheekeeynayo hana la amakaagin laambad iyo laydh uu faaleeynayo, keliya si togan oo dhiifoon adiga iyo naftaadu isula qaadaa dhiga .
12/03/2015
1: I maqlaay tixaha umarshiyo,magac ku doon doone
2: Mawduucyo lagu naajaxaan,miinka tiriyaa e
3: Hadba baahidii muuqataan,kaga madiixaaye
4: Caawana midkaan doorbidaan, miiska dhigayaa e
5:Mas Alooyin badan rabaa, inaan macneeyaa e
6:Bal aan sida mahiigaanka, roob idinku maasheeyo
7:Meelo dhaw tusaalaha hadaan, midhadh kasoo qaato
8: Oo aqoontu way mudantahee,mug uga faaloodo
9: Milicsada faceen iyo inagu, waaba kala meele
10: Maqaamkuu jahligu inadhigaan,madax lulaynaa
11:Meerayaasha kuwa gaadhay, ee miiga kicinaaya
12: Diyaaradaha mawleeya ee, samada meeraaya
13:Hawadaa ku waa marinayee , dunida, muuneeyay
14: Misbaaxyada ifaayiyo nalkaa inagu meegaaran
15:Waxa xadhig marmaran , ee sidii maydhaxda usoohan
16: Maartiyo macduunkiyo birtiyo, moodhar iyo gaadhi
17:Iyo qalabka kala maarkadaa ah , waa misaal adage
18:Maskaxbaa iskukeentiyo aqoon ,laysla meeldhigaye
19:Inay tahay waxbarashu muhiim ,lagana maarmaynin
20: Malka lagu arooriyo halkii, lagu macaashayay
21: Ooy muftaaxii nolosheena tahay , iyo mataaceena
22: Anigaan murtida geesmarayn, mahad Allee sheegay
23Qofkii midigta qalin ugu jiree,Beertay midha fiican
24: Wuxuu madhax helaa maalinkii, uu muraadsado e
25:Manka wuxuu gurtaa waa markuu, muruqa keenaye
26:Oo Garashaduu maalay baa, loo mashxaradaaye
27:Maraakiibta iyo doonyahaa ,wada mushaaxaaya ,
28:Ee moolka hoose udhacayn, muhindis weeyaane,
29: Hadii aan mashiin lagu rakibin,laguna miisaamin
30: Bada lama mareen iyo biyaha, mawjadaha darane
31: In garaadka lagu muujiyaan ,Mahad Allee sheegay
32: Inkastooy muddiyo tahay dunidu, maalmo iyo saacad
33: Oo mawtku yahay lama huraan,melegna kaa qaadi
34: Intaan mooska hoosiyo qabriga ,midig laguu jiifin
35: Macaan inaad ku noolaato waa ,shay muhiima ahe
36:hadii aanad maaraba uhelin ,hawsha minankaaga
37:oo aanad maamulikarayn,murugo weeyaane
38:taladdii murkacantana kartaa,lagu muquunshaaye
38:ku mintida wakhtigu waa isaga kaan muraajicine
39: Qof cilmiga ka madhan baan aqoon, maaidiyo nuune
40: Waxaa maaddo dhigan iyo waxaa, uumiyuhu meershay
41: iyo qaar kalaan mooganahoo, laba malaynaynin
42: Marjac inuu qur'aanku u yahaan ,magan Allee sheegay
43: Wuxuu mawle kuu uuntay, wuxu kuugu mahad sheegtay
44: muumin kaa dhig maqalkana kusii, aragna Miisaanyay
45: wax kaa maanac waxna waa mubaax ,marina kuu jeexye
46: Amuuraha mulkiga Eebe iyo, weliba meeqaamka
46:Miim laguma koobiyo qoraal ,maanso iyo buuge
47: Meelmari cibaadada dadyohow ,maalig baa jira
48: Maadaysi iyo dheel tacliin ,kuma muhiibtaane
49: Mashquul iyo dedaal bay rabtaa,maalin iyo layle
50: Muslimiinta soomaalida ah, Maqane weeyaane
51:Masnadii badiyo waxaa dayacan ,mooskii beeraha
52: Macdantii dhulkeena intaa,loo musuusuqiye
53: Mashaariic galbeed laga sidoo,nalagu maaweelsho
54: Oo nalagu maaanguuriyaan ,maanta aragnaaye
55: Umad aan iyadu meelmarayn,oo, waxbaba muujin
56:O magaalo iyo qaaradkale, milicsi dhawraaysa
57: Wax lasoo muwaaridayoo baan,Magan Alllee diiday
58: Maamule hogaan fiicanoo ,madax ahoo toosan
59: Mufti shiikha waxa laga helaa ,maahir diin badan
60: Mashaqada nahaysiyo dhibkaa , ina madooobeyay
61: Mooryaanta iyo tuugadaa ,milicda taagtaagan
62: Masuulkeedu waa jaahilkiyo,garashadoo maagtay.
Gabayga masalooyin .
Curintii iyo qoraalkii Caasha Luul Cumar Jaamac
Facebook Culimo Cumar
Email. culimo2017@gmail.c

Comments
Post a Comment