Gabay gardaro
11/06/2017 Garado
Gaaladan na guul guulaysee, genefka taageysa
Goodiga Sucuudigu wadee, Qadar ku goynaayo
Gardariyo inay maagtihiyo, kibir is gaashaantay
Qof garaadleh wuu garanayaa ,guurti Iyo Shiikhe
Godka qodan mareegahan is galay, Way gundheertahaye
Kuwii bariga gubey waxay sidaan, dab iyo gaastiiye
Geyi nabadda oo quruxleh, oo horumar gaadhaaya
Oo Guule caabudahayoo, waajib gudanaaya
Oo dunida geestiisa bila, lama guhaadsheene
Hayeeshee galbeed nimanka jira, waa gef wadayaale
Waa niman gurracan oo ka hela, waxay go'doon shaane
Galiilyey ka qaadaan amnigu, waana gubayaaye
Daan-daansi kama gaabsadaan, mana gaboobaane
Amiirkuna gol-qabadata tolkiyo, gacal walaalkiisa
Iyo goog'o lacageed ayuu, gacan ku siiyaaye
Marse inuu nabsiga gaaxday, Iyo uu gu'curanaayo
Muslimiintu gaadhka ay ka qaban, kawnka gudihiisa
Galab aan sugeynaa jirtiyo, geesi noo kaciy'e
Maantaba go'aankay dhigeen, garabka ciideenu
gunimada Farmaajiyo naceen, geeshka madaxdeenu
Waa mid geesinimo ee Allaw, nagu gargaar Khayrka!
CaashaLuul Cumar jaamac
Culimo Cumar
Comments
Post a Comment