Maanso

May 31 2013Ciidoo barwaaqaa
   Cawska jeexa  soobaxay
Cuud kii qarsoomeen
    Cosobku  joog qof le’egyahay
Calcalyada biyahay iyo
   Togu cidhiq intuu yahay
Rahu uu codkiisii
   Xareedii  ku ciyayoo
Buuruha caleenti iyo
   Dhirtu wada cagaartoo
Cidhifyada islagaadheen
    Duunyada caynb caynka ah
Lagahelo cad iyo subag
Laga dhamayo caanaha,
 Ceegaagto dhiitadu
    Haanta  ciirta lagushubayiyo
Dhiishii lasoo culay oo
    Hadhuubkii catiranyahay,
 Caadilkeen haduu qoray
Calaf  aan  iskuleenahy
  Aanku  wada cawaynee
 Camal xumada daayoo
Cuqdadana iska iloow
  Oo carwasaadka nagadhaaf
Caaajis yaanu kugudhicin
   Caqligaynu kaashanee
Cag fudayd weligaa

        Ceerigaabo iyo sool
Cayn ilaa nugaal godan
    Caynaba ilaa kirir
  Casuur iy boocame
      Caradaa balaadhan iyo
 Deegaanada cudoonee
        Casiiskey ina siiyaan
   Heeladiyo ciyaaraha
       Marba cayn laynootumi
Dookha kii cajabiyoow
     Niyadana cusleeyoow
  Caashaqu waa hirgelayaa e
     Cududa aan midayno oo
Waaynu kala carceeroo
       layna kala celceliyee
Qalbiyada isu soo celi
     Cadawgu yaanu naga helin
Cidkaleeto hay maqal,
    Fiyooraha casaanka ah  iyo
Warqad baan tix culus iyo
     geeraar ku soo cugay
kaladhada  cadaankiyo
    buluugaan  ciseeyaa
shan calamadood oo
   xidigaha cirka u eeg iyo
…..Farasbaa u cimaamadan.e.,…….
,
Cidlana haygu baylahin
   Dadkii kii ku caalaqayiyo
Kala garo mid kuu cida
   Sirtu yaanay caam noqon oo
Cidkasta ha  ugusheekayn
   Markay tala cadaatana
Kuwa ceelka jooogiyo
Carabaha kuwaa jira iyo
   Cidkastoo dhankeena ah
Caadi hawsha ugusheeg,
   Cara kala fogaataan
Ciilanoow kunoolahay e
   Cakirnaanta guurkeeniyo
Cilada aan dhamaynee
   Aaladaha casrigan jooga
Caawaba inoo dalaab ,

  Caasha Luul  Cumar Jaamac

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso Mucjiso