Maanso Mucjiso

Ogow maqalkan dhegahiyo
Indhaha milicsi aragiyo
Muruqiyo laxaadkuba
Mucjisooyin weeyaan
Mawlahaa kusiiyoo
Haday gacani maqan tahy
Ama ay maqaadiir
Lugta maalin lagujaro
Hadii aad mawaashiyo
Maal iyo aduunbadan
Aad muhiib uleedahay
Marna lacag lagumahelo
Nimcada muhiimka ah
Ee maalik waynahu
Ku macaasha ina yiri

Maskaxdiyo xiskaagiyo
Miyirka iyo  garashada
Mashiinkii  Waxqabadkiyo
Iyana waa masuulkii
Maamulayay waaxyaha
Meela Mariya  himiladda
Hanka meesha laga wado.

Manfac iyo wakh qayrliyo
Cilmi inaad ku maashoo
Miskiinka  ugargaartana
Xil weeye ha moogaan
Mooryaan wax qalatiyo
Hana noqon miciindaran

Eebe mahadnaqiisiyo
Muftinmada diintiyo
Macaansiga Islaamkiyo
Hadii  aad malkadda wacan
Meermeer ku dhaaftana
Hadba sii murkacashiyo
Hadba soo murkacashiyo  
Dhibta  inaad is mudatan
Iyo  filo  masiibadda

Culimo  04/06/2014

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso