Posts

Showing posts from June, 2017

Duni Guracan

20 Feb.2015 Waa duni guracanoo Garaad laawe xoogsaday Gumaynaayo shacabkoo Gawracaayo madaxdoo Axmaq gaardinayoo Gabalkii dhacaayiyo Waagii guduutaba Goblan hooyo joogtiyo Guurtida lalaayaa Ay geesinimo tahay!! Waa duni guracanoo Xaqa garabka laga maray Diintana lagaasiray Muslinkoo lagawraco Tahay guusha ugu wacan!! Waa duni guracanoo Gaalkiyo islaamkii Ficilkood gudboon yahay!! Waa duni guracantoo Aakhur saman uguurtoO Wakhtigaa gabaabsiya Allahayaw gargaarbaan Gacmahaa uhoorsaday ! Waa duni guracantee Goodkiyo abeeskiyo Dadka kii gumaadiyo Intuu gacan ku dhiiglahu Golayaasha joogee Gorfaynaayo xaajada Caku sharaf lagaadhiyo Guri nabadi taaliyo Qaranimo  god dheeriyo Geeed saray dul sudhan tahay Culimo Cumar Jaamac

Midnimada

MIDNIMADA Midnimadu waxay ka bilaabataa qofka laftiisa ,midigtiisu waxay awood badan tahay marka bidixdu kaalmayso,  sidaa awgeed Qofkaasi wuxuu midaynayaa dantiisa iyo ficilkiisa sababtoo ah hadii dantaadu tahay inaad caana dhanaan cabto islamarkaana  aanad rabin ama aad ka caajisto  inaad soo qaadato waa dhib ku haysata oo tafaraaruq ku ah naftaada iyo noolaanshahaaga , Qofka oo mideeya rabitaankiisa iyo uhawlgalideeda wuxuu ka muhiimsan yahay midawga laba qof oo isku aragti iyo isku ujeed ah , marka laga soo gudbo jaranjarada midaynta laba qof ayaa loo gudbaa qoys ama koox ,qoys ama koox midawday baa lagu gaadhikaraa midaynta hal qabiil isla jeerkaas halka qabiil ee midaysab wuxuu midaynkaraa  qabiilooyin, qabiilooyin midoobay baa noqonkarta qaran midaysan Fikirka Culimo Cumar Jaamac April 10. 2105

Run iyo xaqiiq

XAQIIQA IYO  RUN CAD 1:daangadda (saloolka) waxaa sida caadiga  ah lagu shiilaa dheri isku mid ah, Saliid isku mid  ah, hal mar ayaana lasaaraa Kul heerkiisu isku mid yahay. Laakiin Isku mar Mawada  bislaato. 2: Marka uu daadku yimaado Kalluunka ayaa  cuna Qudhaanjadda ,marka uu Daadku  gudhana Qudhaanjadda ayaa cunta Kalluunka. 3: si  loo sameeyo saabuun waa in la helo  saliid,Si saliida loo maydhana waa in saabuun  lahelo ,tani waa sarbeebta Nolosha. Qof kasta waxa uu u baahanyahay qof  xaalad walba  oo wakhtigiisa ah. Ha quudhsan cidna Ama  ha  uladhaqmin Si quudhsasho ah marka ay  guulaystaan ama guul daraystaan intaada in ka badan. Waxaa jira wakhtiga  waxkasta iyo cidkasta .Aamin Ilaahay oo sug markaaga . Wakhtigaaga wuxuu  imaanayaa marka Ilaahay  ugu talagalay.Ha quusan Isaga(Alle SWT) ayaa waxkasta qurxinaya Xiligiisa e. Si aad ufahanto waxa ay Noloshu tahay waa inaad booqato saddex meelo...

Dhulkiibaa dacwad oogay Maanso

17 may 2017 Dhulkiibaa Dacawooday!  Daruurbaa waramaysa Oo dushaa sare joogtay ; iyaa daruur aa! Dhalkii baa dacwad oogay Waxa uu damcay saaka     ;hee Inta Uu is diyaarsho   Dable ciidama haystoo Dusha uu ka yaqaano Inuu dood lawadaago Dalabkiisa usheego     ;waa koow ,haye Halkii dawladda  hoose Markuu  soo  doc istaagay Hooyo Diilalyo  haysoo Albaabkaa  dabadiisa Keligeed yar dangiigta Salaan diiran ma siinin , markaana Dabadeedna  xogtiisa Islaantii  durdursiiyey Warkiiyuu  daldalaayo Oo duqdiina ilmaysay Askari dayrka  ilaasho Debedaa  marmaraaya Dulucdii  ma dhegaysan   ;hayaay !waaba  CID! Dablihii cali  daahirna Isagoo degdegaaya Daf masoo dhihin meesha Digtoonawda war qaata Aaway  diiriye  faarax Cabaar buu digdigleeyay ;Waa iska saase. Shan daqiiqo gadaalna Dalmarbaa ku afuufay Warkiiyoo  isku  duuban      ; ...

Maanso

May 31 2013Ciidoo barwaaqaa    Cawska jeexa  soobaxay Cuud kii qarsoomeen     Cosobku  joog qof le’egyahay Calcalyada biyahay iyo    Togu cidhiq intuu yahay Rahu uu codkiisii    Xareedii  ku ciyayoo Buuruha caleenti iyo    Dhirtu wada cagaartoo Cidhifyada islagaadheen     Duunyada caynb caynka ah Lagahelo cad iyo subag Laga dhamayo caanaha,  Ceegaagto dhiitadu     Haanta  ciirta lagushubayiyo Dhiishii lasoo culay oo     Hadhuubkii catiranyahay,  Caadilkeen haduu qoray Calaf  aan  iskuleenahy   Aanku  wada cawaynee  Camal xumada daayoo Cuqdadana iska iloow   Oo carwasaadka nagadhaaf Caaajis yaanu kugudhicin    Caqligaynu kaashanee Cag fudayd weligaa         Ceerigaabo iyo sool Cayn ilaa nugaal godan     Caynaba ilaa kirir   Casuur iy boocame       Caradaa bala...

Riyo Cajiiba

Riyadii xalay waxa ay ahayd mid yaab badan. Waxa aan moodayey markii aan seexanayey inyar ka hor in aan daawaday war bixin laga diyaariyey waddamo hadal gooddi ah isku tuur-tuuray iyo dad leh waa bilawgii dagaalka saddexaad ee dunida. Waxa aan seexday hurdo waalan, haa way waalnayd, aar mayee hurdo aan inaba caadi ahayn. Jabba waa ka dambeeyee akhriste riyadii illa dhex dabbaalo, haye dheh! Jamhuuriyad aan dimuqraadi iyo federaal midna ahayn aya aan hoos hadhsanayey, Alla maxa aan jeclahay waa dawlad cajiiba. Maanta waa sannad guurada xilliga la aas-aasay ciidamadda xoogga dalka, bandhig yaab leh, gantaalo iyo gujisyo ayaa lasoo bandhigay. Hub aanan weli film ka daawan ayaa ii muuqday, ciidamo ciidaas iyo carradaas kabadanna waa ay gaardiyayeen, meel xaflad lagu qabanayey wiil aan garayo hadda ayaa lagu doonsiiyay billad qaali ah oo la leeyahay waa Generaalka ugu hawl gudashadda fiican qiimeyn lasameeyay kadib. Magaalada aan joogey waa mid aad u qurux badan. Waxaa ku taal sarta u...

Gabay gardaro

11/06/2017 Garado Gaaladan na guul guulaysee, genefka  taageysa Goodiga  Sucuudigu  wadee, Qadar ku goynaayo Gardariyo  inay  maagtihiyo, kibir  is gaashaantay Qof garaadleh wuu garanayaa  ,guurti Iyo Shiikhe Godka qodan mareegahan is galay, Way gundheertahaye  Kuwii bariga gubey waxay sidaan, dab iyo gaastiiye Geyi nabadda  oo quruxleh, oo horumar  gaadhaaya Oo Guule caabudahayoo, waajib gudanaaya  Oo dunida geestiisa bila, lama guhaadsheene Hayeeshee galbeed nimanka jira, waa gef wadayaale Waa niman gurracan  oo ka hela, waxay go'doon shaane Galiilyey ka qaadaan amnigu, waana gubayaaye Daan-daansi kama gaabsadaan, mana gaboobaane Amiirkuna gol-qabadata tolkiyo, gacal walaalkiisa   Iyo goog'o lacageed  ayuu, gacan  ku siiyaaye Marse inuu nabsiga gaaxday, Iyo  uu gu'curanaayo Muslimiintu gaadhka ay ka qaban, kawnka gudihiisa Galab aan sugeynaa jirtiyo, geesi noo kaciy'e Maantaba go'...

Maanso Mucjiso

Ogow maqalkan dhegahiyo Indhaha milicsi aragiyo Muruqiyo laxaadkuba Mucjisooyin weeyaan Mawlahaa kusiiyoo Haday gacani maqan tahy Ama ay maqaadiir Lugta maalin lagujaro Hadii aad mawaashiyo Maal iyo aduunbadan Aad muhiib uleedahay Marna lacag lagumahelo Nimcada muhiimka ah Ee maalik waynahu Ku macaasha ina yiri Maskaxdiyo xiskaagiyo Miyirka iyo  garashada Mashiinkii  Waxqabadkiyo Iyana waa masuulkii Maamulayay waaxyaha Meela Mariya  himiladda Hanka meesha laga wado. Manfac iyo wakh qayrliyo Cilmi inaad ku maashoo Miskiinka  ugargaartana Xil weeye ha moogaan Mooryaan wax qalatiyo Hana noqon miciindaran Eebe mahadnaqiisiyo Muftinmada diintiyo Macaansiga Islaamkiyo Hadii  aad malkadda wacan Meermeer ku dhaaftana Hadba sii murkacashiyo Hadba soo murkacashiyo   Dhibta  inaad is mudatan Iyo  filo  masiibadda Culimo  04/06/2014