Riyo Cajiiba
Riyadii xalay waxa ay ahayd mid yaab badan.
Waxa aan moodayey markii aan seexanayey inyar ka hor in aan daawaday war bixin laga diyaariyey waddamo hadal gooddi ah isku tuur-tuuray iyo dad leh waa bilawgii dagaalka saddexaad ee dunida. Waxa aan seexday hurdo waalan, haa way waalnayd, aar mayee hurdo aan inaba caadi ahayn. Jabba waa ka dambeeyee akhriste riyadii illa dhex dabbaalo, haye dheh!
Jamhuuriyad aan dimuqraadi iyo federaal midna ahayn aya aan hoos hadhsanayey, Alla maxa aan jeclahay waa dawlad cajiiba. Maanta waa sannad guurada xilliga la aas-aasay ciidamadda xoogga dalka, bandhig yaab leh, gantaalo iyo gujisyo ayaa lasoo bandhigay. Hub aanan weli film ka daawan ayaa ii muuqday, ciidamo ciidaas iyo carradaas kabadanna waa ay gaardiyayeen, meel xaflad lagu qabanayey wiil aan garayo hadda ayaa lagu doonsiiyay billad qaali ah oo la leeyahay waa Generaalka ugu hawl gudashadda fiican qiimeyn lasameeyay kadib.
Magaalada aan joogey waa mid aad u qurux badan. Waxaa ku taal sarta ugu dheer Afrika iyo jaamacadda ugu qaalisan waddamada saddex qaaraddood . Wargeys baan ka akhriyey liiska gobollada iyo magalooyinka sannadkii la soo dhaafay in ay yimaadeen dalxiisayaashii ugu badnaa waxaana liiska lambarka 1aad kaga jirtay magaalada Ceerigaabo la yidhaahdo. Magaalada Ceerigaabo ayaa sannadkii tegey noqotay lamberka 1aad,kadib markii lagu sameeyey dib u habayn casri ah lagana dhisay dusha buurta Daalo Huteelo iyo wadooyin soo jiitay indhaha caalamka. Wagagac! Markalena waxa aan dulmaray buundooyin is hoos maraya oo cajaa'ib ah oo laga dhisay meelo aan ka garanayo Dacar-budhuq iyo Arabsiiyo. Waynakaa! Magaalo aan umalaynayo in ay Baydhabo ahayd ayaa martigelinaysay shirka 15 waddan oo ugu awood badan adduunka Soomaaliyana ay ka mid ahayd. Buhuu! Sawir qaadashayaasha loogu jecel yahay caalamka ayaa soo bandhigay muuqaalo ay ka qaadeen magaalada taariikhiga ah ee Taleex , markalena Afgooye ayaa noqotay meel wax soo saarkeeda qudaarta kala duwan iyo quruxda beeraha ku yaal ay warbaahinta caalamku qaadaa dhigayso. Mayla socotaan!
Farriin qof kii iisoo diray aanan garanayn ayaa la iigu sheegay in dhalinyaradii ku soo guulaystay xulka kubadda Qaranka Soomaaliya dhiirigelin loogu samaynayo Gaalkacayo. waxa aan akhrinayey qoraa ku nool magaalada Muqdisho oo noqday shakhsiga loogu akhris badan yahay buugtiisa isla bogga kale waxaa ku qornaa qoraa qoraaladiisa loo rogey in kabadan konton luuqaddood oo joogey Boorama. Muuqbaahiyaha waxaa kabaxaya barnaaajim lagaga hadlayo gabadh uu dhalay Madaxwaynaha dawladda Islaamka ah ee Falastiin oo toddoba baxa arooskeeda ku qaadanaysa meelaha adduunka ugu qurxoon dhanka cagaarka oo ay kamid yihiin beero kuyaala dooxada Nugaal sare. Alla hayaay!
Ciidamada difaaca cirka oo digniin u diray diyaarad ku soo qaldantay hawada Soomaaliya iyo waddankii laga lahaa oo raaligelin bixiyay. Dhalinyaro si sharci daro ah isku dayey inay kusoo galaan xadka ardul-suumaal oo laqab-qabtay iyo wiil 17 jir ah oo ku nool magaalada Buuhoodle oo ikhtiraacay diyaarad aan nooceeda hore loo arag, dawga Sheekh oo kamid noqday wadooyinka ugu cajiibsan dunidda. weef caleeg!
Maktabadd Ku taala magaaladda Sablaale Oo noqotay ta ugu wayn afrika iyo Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Farshaxanka dhaqanka Agabka Soomaalidda Oo Taalo loo dhisayo ayaan Arkay.
Warshadda ugu wayn ee gaadiidka oo soo saartay tareeno casri ah inay cali sabiix kutaalay iyo inay Dhadhaab kutaalay Mooji.
Waxa aan dhex lugeeyey Benderqaasim oo noqotay magaalada ugu balaadhan ganacsigga caalamka deee! Maadaa war hayaba iyo
Maagalooyinka Buuhoodle iyo Hargaysa oo aan midna kaare iyo diyaaradi saarnayn laakiin madaxda Qaranka ayaa ku sawirnaa boodhado waa wayn, bir dheer oo boqol mitir ku dhaw ayuu ka lushay Calanka waddanku laakiin ma xasuusto meeshay ku taalay.
Xarunta midawga afrika AU ee magaaladda Qabridahare Oo shir shir ka furmay Saadanbe,
Jid bilow ah oo sida lagu wado wada gaadhi doona geeska afrika oo hadda isku xidha Jabuuti iyo Gebiley . Anoo diyaarad saaran ayaa qof kursigga iga danbeeya fadhiyaa cod debecsan ku yidhi Alla waa jabuutidaydii Waan uxiisee daqiiqado kadibna Waxaan dhex xulayaa garoon lama arag iyo lama maqal ah ,quruxdiisa waan ashqaraarayba.
Caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaaliya oo gashay kaalinta 1aad liiska caasimaddaha Afrika. Soomaaliya oo dhex dhexaadinaysa waddamo is ku haya shidaal! Gabadh aan haddeer ilaaway magaceeda ayaa aan ka garanayey liiska ergada soomaaliya ee heshiisiinaysa labadaas dal Ilaahaw ha u fududeeyee, halkaas aniga oo maraya ayaa Jeliska Koortaydu igu qayliyey, si aan Salaaddii Subax u tukado! Kadib kuma noqon riyadii si aan usii wado balse waxaa la iga soo wacay caasimadda Ouagadougou ee dalka Burkina Faso oo dhaca galbeedka Afrika. Armaan ahaa gabadhii dalalka dhex dhexaadinaysay? Mooyi, waaba suuragal!!!
W/Q CaashaLuul Cumar jaamac
18 /04/2017
Comments
Post a Comment