DAYAXII QARSOOMAY #1

#DAYAXII #QARSOON 06/05/2017 Sabti

qalbigaa iga xanuunsaday Ilmada qoysay dhabankayga
Qiiraddan ihaysiyo Lugahaan qaadikari waayay
Qaadanwaaga geeridaan maqlee Uu qacyidhi beerku
Waa qabarka buuhoodle iyo Qaw kasoo dhacaye
Qadarkii ilaah weeye iyo  shayga uu qoraye
Hayeeshee waxaan qaadayaa qoomamiyo ciile
Inta aan is qoomqoomayne la is qardoofaayo
Ee aan ninkii qaaliyaba Qubayno dhiigiisa
Waa masiibo qaran iyo waxaan laga qisoonayne
Qareenkii usoo kacay bulshada qawlcadihii waagan
Qaadigii rabiishiyo Kartidii  waydin qalateene
Maantana halyeey qaaliyaa iilka loo qodaye
Qamarkooda cuna baynu nahay Aan is qabanayne
Qawf rabakum tolkayoow runtii waad is qaxarteene

Qatanaha siduu ugu gurmaday ama miskiin quudshay
Qaylada sidii uu udiray ee u qabanqaabshay
Qaybintii gargaaradda sidii aan cid ugu qoonsan
Qalin kuma dhamaynkaro tixiyo Qaafley iyo waw e
Qiimuhu lahaa iyo wanaag baan uqirayaa e
Dayaxii Qarsoon saaka Oo waan qandhaysnahaye

Allahayow adaa qaadiroo Qaniya oo wayne
Haka qadin janadda waa halkaa lagu qaboobaaye
Kitaabkana ka qabadsii ta midig Oo qasriga seexi

Culimo Cumar
INAALILAAHI WAINAA ILAYHI RAAJICUUN

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso