Posts

Showing posts from May, 2017

Masalooyin * Gabay *

Gabaygan ujeedka aan u curiyay iyo macnahiisaba dhexdiisa ayaad kala soobaxaysaan , laakiin sababtiisu waxaa ay ahayd mar madal aqoomeed oo buugaag lagu bandhigayay layga codsaday inaan ka soo gabyo waxbarashadda ayaa aan curiyay gabaygan oo aan ubixiyay masalo . waa wax  laysla ogyahay in aqoontu leedahay faaiido oo ay tahay iftiin halka jahliguna yahay mugdi oo khasaare kulansado laakiin keliya aragti ahaan inaan ucabiro waxaan kasii doorbiday inaan dabci ahaan u cabiro daliilalana ku ladho , sidaa awgeed hala yaabin akhriste hadaad aragto bad iyo doon uu gabaygu ka sheekeeynayo hana la amakaagin laambad iyo laydh uu faaleeynayo, keliya si togan oo dhiifoon adiga iyo naftaadu isula qaadaa dhiga . 12/03/2015 1: I maqlaay tixaha umarshiyo,magac ku doon doone 2: Mawduucyo lagu naajaxaan,miinka tiriyaa e 3: Hadba baahidii muuqataan,kaga madiixaaye 4: Caawana midkaan doorbidaan, miiska dhigayaa e 5:Mas Alooyin badan rabaa, inaan macneeyaa e 6:Bal aan sida mahiigaanka, roob idin...

Guurtiddii afku meeday?

fiid ka mid ah fiidadka ayaan meel ka akhriyay xoogeey taariikh nololeed ah oo laga qoray AHUN abwaan xasan qawdhan oo sanadkan dhintay, qoraalkaas waxaan ka akhristay ereyo iyo suugaan uu lahaa oo heeso ubadnaa qof ahaan taydana aan jeclaa laakiin aanan aqoon mu'alifka leh , sida heesta jalam qalam, ubaxoo dilaacay iyo iwm . qoraalkii ayaan udiray oo lawadaagay mid kamid ah asxaabtayda kadibna  Alla maxaa hees aan aqaano meesha ku qoran iyo Alla maxa hees aan jeclahay ku jirt ayaanu iskula wiirasnay ,waxaan isku raacnay  in afyaqaankii uu gabaabsi yahay , ama nagu diid ama nala qaado e,    waxaanu is waydiinay sababta hal-abuurkii hore iyo kan hadda oo labadayaduba aanu ka mid nahay , marka murtid ahaan iyo miidba la eego ay ukala heeso sareeyaan ? iyo sababta hal-abuurkii hore xarfuhu ay ugu wada fududaayeen se kan maanti uu xarfaha laandheeraha ah  ugu badan yahay sidda G,D,M iwm . dood saddexaad baanu isla eegnay oo ahayd dadka soomaalidda ah qaarbaa aaminsa...

REJADU IGA MAY XUMAAN

16/02/2107 Intaan ha is raacdo iyo Naq iyo meel roobleh iyo Geediga urar aan lahaa Qaarba iga kala ridoo Awrkii reer yada ka fura Qaarbaa ra'yi gaabanoo Qabyaalad ragaadisoo Anaa reer hebel ah iyo Anaa kaa roon ku hadhay Intaan urafaad sanee Ruclaha midnimadda kujiro Dhaleeco badhbaa rakiba Raandhiisna waxaan lahayn Ruuxdooda ku daaliyoo Intaa uraxleeyaa bello Rufyaanka dhulkeena gada Dadkana same aan larabin Caleemo badhbaa uruxa Rijaal iyo geesiyoow Runloow baa tahay ku dhaha Shisheeyaha riiqiyee Umadda raas-raas kadhigay Durbaanka badhbaa uridda Rafiiqaygoow ku dhaha Markaan taladdii rogrogay Waxaay riyadu igu  tidhi Dabayl geed way ruxdaa Rucurtu way daadataa Salkana kama uu ruqee Ridada waranka u adayg Rabina talo saartayoo Rejadu iganay xumaan Culimo Cumar

LAYSKUMA TUBNAADO

21/4/2014 Layskama tubnaado lama tororog leeye talaa laysu keenaa tacab iyo waxsoosaar tacliin iyo waxbarashada ayaa lagu tanaadaa tolniimadaa hagaagtiyo isku tiirsanaantaa tunbul lagu ahaadaa iyo tiirbiraan jabin taariikhda dhigan iyo taxanaha wax soojiray sharaf hore utaalana marna lama tirtiro e waala sii tusmeeyaa dhib waxii ku taabtaa kugu filan tusaalana tacadiga sokeeyaha qabiil iyo is tooxtoox waa laga tagaayoo tafaraaruq waa dhibe taageerada wanaagaa tashi lagu haleelaa inta aad tahriibtiyo bada tiinbabaysaa beeraha tufaaxiyo khudaarba is ka tuurane macdaanba dalkii taal tacab falo dadkaygow! shisheeyahuna waa tuug way ina tirtirayaan taangiga qarxaayay isku toogta leeyiin taraq iyo gaastay tafta noogu shubayan aduunyadii tisqaadoo tiriig baa baxaayee sodon tira ku dhawbaa soomaali tamar li I midba meel is taagoo todobaatan qaybood laysu kala takooroo dhaqankii latuuroo kata lawnay diintee hadma taajka gobonimo qaran taaba gelinti...

NA BADHQABO AllAHAYOW

04/21/ 2017 Allaw beledkii Soomaaliyeed , wuu Belbelayaaye Bumbadiyo qaraxyadda socdiyo,Bilista ooyaysa Beelaha is laynaaya ee, buulka wada yaalla Belediyo abaartaa dhacdee ,Bawda nagu haysa Ee xoolihii naga baxeen bananka daaqaayay Buurta iyo soolkuna noqdeen, xaaluf laga biibo Beerihiyo jeexyaddu yihiin siigadiyo boodhka Bayhoofka iyo gaajaddiyo , ba'ayda yeedhaysa Cuduraddan kusii badaniyo Shubanka soo booday Baahidda naflihii haysatiyo ,baaba'iyo hooga Ee baabah quudkii yahee, aan biyaha haysan Intaasoon ba' iyo waw ku qoray qaarna Kaba baaqday Boqoroow cid aan adi ahayn buuxin kari waaye Baryadaada adigaan ku qadin, beerka kuu nugule Basharkaagii adigaanu nahay,kaana baqaynaaye Na badhqabo adaa waaxidkoo, buuxa qaniyoow Culimo Cumar

DAYAXII QARSOOMAY #4

Abwaan Bootaan Bootaan iyo baroordiiqda #DAYAXII QARSOOMAY Gurbeedkeeda ruugaay Riximkeeda laayaay Soomaali raraneey Marna laguma raystaay Hadba kii u soo rara Aakhiro u riixaay Raxmadlaay dad qalatooy!! Geeri waa kala raase Kala raysimo weeyee Cabdi raxiim ta haleeshay Ina rabiish la hadaaftay eee Nin rageedki halaagtay Huqdeeda igu raagtoo Naxdin bay igu reebtoo Qalbigaa i ruxmoodo Ra'yigay geli wayday Ma rumaysan karaayee Raxmaan kaan u baryaayoo Rajo wayn ka qabaaye Ilaahow raxmadaada Raxiimow magacaaga Raxmaanow sifahaaga Shafeecii rusushaada Rafiiqiisa ka yeeloo Suaashiisa raqiib iyo Ka khafiifi rafaadoo Qabrigii u rusheeyoo Uga yeel rug wanaagsanoo Janadii ku rasaaqooo Rabbiyow naxariista Ku rakaadi firdowsa Rafiiqi garabkayga Saaxiibkaygii rumaad Haldoorkii ra'yigiisa Rasiinkii hadalkiisa Rasmi howl qabadkiisa Lagu raysan ogaayee Ummadu ay u riyaaqdee U roorkeed samaanta iyo Khayrka laysugu raacay Rabiish baa dhimaanayoo Mind...

DAYAXII QARSOOMAY #3

R A B I I S H ------------------- Gabaygani waxa uu ka mid noqonayaa caawa, gabayadii loogu baroordiiqayey halyeeygii inaga baxay walaalkeen Rabiish (AHUN). Tixdanna  waxaa tiriyey Abwaanka bulshadiisa la jaalka noqday, waa Abwaan Cabdiraxmaan Xiiray, waxa uu yiri: -- Anigoon rafiiqiisa noqon maalin rubuceedna -- Oon saarin dhaayaha #Rabiish weligay ruuxiisa -- Rijaalkaa warkiisoo socdoo roorayaan helaye -- Hargeysuu rugtaan kaga sugnaa taar ku soo ridaye -- Raadkuu ka tegey baan arkoo raasamaal badane -- Rukun buu ahaa samo-falkiyo khayrka raabiya’e -- Dadku shubanku soo riday siduu ugu rixiimaayay -- Runtii muu ahayn nimay abley qoonto rubaddiiye -- Rabbi wuxu qadaray baan cid kale qodob ka riixayne --- Waxa raalli lagu yahay markuu raacay kii dilaye -- Labadaba u raaxee Alloow raasiq baad tahaye -- Oo gee jannada raar saroo lagu riyaaqaayo -- Oo rafaadka naartiyo ka dayr raran ciqaabeedka ___ Aamiin

DAYAXII QARSOOMAY #2

DAYAXII QARSOOMAY 07/05/2017 Cabdiraxiim Saleeban Faarax Rabiish Waxaan is baranay sannadkii 2011 Waxaanu isku baranay goob waxbarasho iyo xaalad aqooneed  oo ahayd tartan aqooneed midawgga Ardaydda jaamacadda Nugaal ay soo qabanqaabiyeen Oo lagu qabtay jaamacadda Tartankaas waxaa loo qabtay  ardaydda dugsiyadda sare waxaana ka qaybgelayay Inta badan dugsiyadda deegaanka SSC Markaas cabdiraxiim wuxuu kamid ahaa Ardaydii ka timid buuhoodle Gaar ahaan dugsigga sare ee Samatar baxnaan , Waxaan xasuustaa Cabdiraxiim kooxdiisa inuu u ahaa xidig badankana  ukacayay  oo  su'aalaha ka  jawaabayay  ugu danbayntiina  usoo hooyay  guul  ay  kaga midnoqdeen   kaalmaha  hore,  Waxa uu ahaa shakhsi ka dhisan  aqoonta xaga sayniska,diinta iyo taariikhdaba. Wuxuu  kadhex  muuqday  dhamaan  dhalintii  katimid  meelaha  kala  duwan  wuxuu Ahaa qof  codkar ah  oo  kaftam...

DAYAXII QARSOOMAY #1

#DAYAXII #QARSOON 06/05/2017 Sabti qalbigaa iga xanuunsaday Ilmada qoysay dhabankayga Qiiraddan ihaysiyo Lugahaan qaadikari waayay Qaadanwaaga geeridaan maqlee Uu qacyidhi beerku Waa qabarka buuhoodle iyo Qaw kasoo dhacaye Qadarkii ilaah weeye iyo  shayga uu qoraye Hayeeshee waxaan qaadayaa qoomamiyo ciile Inta aan is qoomqoomayne la is qardoofaayo Ee aan ninkii qaaliyaba Qubayno dhiigiisa Waa masiibo qaran iyo waxaan laga qisoonayne Qareenkii usoo kacay bulshada qawlcadihii waagan Qaadigii rabiishiyo Kartidii  waydin qalateene Maantana halyeey qaaliyaa iilka loo qodaye Qamarkooda cuna baynu nahay Aan is qabanayne Qawf rabakum tolkayoow runtii waad is qaxarteene Qatanaha siduu ugu gurmaday ama miskiin quudshay Qaylada sidii uu udiray ee u qabanqaabshay Qaybintii gargaaradda sidii aan cid ugu qoonsan Qalin kuma dhamaynkaro tixiyo Qaafley iyo waw e Qiimuhu lahaa iyo wanaag baan uqirayaa e Dayaxii Qarsoon saaka Oo waan qandhaysnahaye Allahayow adaa qaadiro...