LAYSKUMA TUBNAADO
21/4/2014
Layskama tubnaado
lama tororog leeye
talaa laysu keenaa
tacab iyo waxsoosaar
tacliin iyo waxbarashada
ayaa lagu tanaadaa
tolniimadaa hagaagtiyo
isku tiirsanaantaa
tunbul lagu ahaadaa
iyo tiirbiraan jabin
taariikhda dhigan iyo
taxanaha wax soojiray
sharaf hore utaalana
marna lama tirtiro e
waala sii tusmeeyaa
dhib waxii ku taabtaa
kugu filan tusaalana
tacadiga sokeeyaha
qabiil iyo is tooxtoox
waa laga tagaayoo
tafaraaruq waa dhibe
taageerada wanaagaa
tashi lagu haleelaa
inta aad tahriibtiyo
bada tiinbabaysaa
beeraha tufaaxiyo
khudaarba is ka tuurane
macdaanba dalkii taal
tacab falo dadkaygow!
shisheeyahuna waa tuug
way ina tirtirayaan
taangiga qarxaayay
isku toogta leeyiin
taraq iyo gaastay
tafta noogu shubayan
aduunyadii tisqaadoo
tiriig baa baxaayee
sodon tira ku dhawbaa
soomaali tamar li I
midba meel is taagoo
todobaatan qaybood
laysu kala takooroo
dhaqankii latuuroo
kata lawnay diintee
hadma taajka gobonimo
qaran taaba gelintiis
is ku tiirsaniyo guul
aynu taaban doonaa
caasha luul
Layskama tubnaado
lama tororog leeye
talaa laysu keenaa
tacab iyo waxsoosaar
tacliin iyo waxbarashada
ayaa lagu tanaadaa
tolniimadaa hagaagtiyo
isku tiirsanaantaa
tunbul lagu ahaadaa
iyo tiirbiraan jabin
taariikhda dhigan iyo
taxanaha wax soojiray
sharaf hore utaalana
marna lama tirtiro e
waala sii tusmeeyaa
dhib waxii ku taabtaa
kugu filan tusaalana
tacadiga sokeeyaha
qabiil iyo is tooxtoox
waa laga tagaayoo
tafaraaruq waa dhibe
taageerada wanaagaa
tashi lagu haleelaa
inta aad tahriibtiyo
bada tiinbabaysaa
beeraha tufaaxiyo
khudaarba is ka tuurane
macdaanba dalkii taal
tacab falo dadkaygow!
shisheeyahuna waa tuug
way ina tirtirayaan
taangiga qarxaayay
isku toogta leeyiin
taraq iyo gaastay
tafta noogu shubayan
aduunyadii tisqaadoo
tiriig baa baxaayee
sodon tira ku dhawbaa
soomaali tamar li I
midba meel is taagoo
todobaatan qaybood
laysu kala takooroo
dhaqankii latuuroo
kata lawnay diintee
hadma taajka gobonimo
qaran taaba gelintiis
is ku tiirsaniyo guul
aynu taaban doonaa
caasha luul
Comments
Post a Comment