NA BADHQABO AllAHAYOW


04/21/ 2017
Allaw beledkii Soomaaliyeed , wuu
Belbelayaaye
Bumbadiyo qaraxyadda socdiyo,Bilista ooyaysa
Beelaha is laynaaya ee, buulka wada yaalla
Belediyo abaartaa dhacdee ,Bawda nagu haysa
Ee xoolihii naga baxeen bananka daaqaayay
Buurta iyo soolkuna noqdeen, xaaluf laga biibo
Beerihiyo jeexyaddu yihiin siigadiyo boodhka
Bayhoofka iyo gaajaddiyo , ba'ayda yeedhaysa
Cuduraddan kusii badaniyo Shubanka soo booday
Baahidda naflihii haysatiyo ,baaba'iyo hooga
Ee baabah quudkii yahee, aan biyaha haysan
Intaasoon ba' iyo waw ku qoray qaarna Kaba baaqday
Boqoroow cid aan adi ahayn buuxin kari waaye
Baryadaada adigaan ku qadin, beerka kuu nugule
Basharkaagii adigaanu nahay,kaana baqaynaaye
Na badhqabo adaa waaxidkoo, buuxa qaniyoow

Culimo Cumar

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso