DAYAXII QARSOOMAY #4

Abwaan Bootaan Bootaan iyo baroordiiqda #DAYAXII QARSOOMAY

Gurbeedkeeda ruugaay
Riximkeeda laayaay
Soomaali raraneey
Marna laguma raystaay
Hadba kii u soo rara
Aakhiro u riixaay
Raxmadlaay dad qalatooy!!

Geeri waa kala raase
Kala raysimo weeyee
Cabdi raxiim ta haleeshay
Ina rabiish la hadaaftay eee
Nin rageedki halaagtay
Huqdeeda igu raagtoo
Naxdin bay igu reebtoo
Qalbigaa i ruxmoodo
Ra'yigay geli wayday
Ma rumaysan karaayee
Raxmaan kaan u baryaayoo
Rajo wayn ka qabaaye
Ilaahow raxmadaada
Raxiimow magacaaga
Raxmaanow sifahaaga
Shafeecii rusushaada
Rafiiqiisa ka yeeloo
Suaashiisa raqiib iyo
Ka khafiifi rafaadoo
Qabrigii u rusheeyoo
Uga yeel rug wanaagsanoo
Janadii ku rasaaqooo
Rabbiyow naxariista
Ku rakaadi firdowsa

Rafiiqi garabkayga
Saaxiibkaygii rumaad
Haldoorkii ra'yigiisa
Rasiinkii hadalkiisa
Rasmi howl qabadkiisa
Lagu raysan ogaayee
Ummadu ay u riyaaqdee
U roorkeed samaanta iyo
Khayrka laysugu raacay
Rabiish baa dhimaanayoo
Mindi bay ku rifeenoo
God ayay ku rideenoo
Waa ka soo rogmadeenoo
Qabri baa lag reebay

Ma rumaysan karaayo
Raxmaan kaan u baryaaye
Rajo wayn ka qabaaye
Ilaahow raxmadaada
Raxiimow magacaaga
Raxmaanow sifahaaga
Shafeecii rusushaada
Rafiiqiisa ka yeeloo
Suaashiisa raqiib iyo
Ka khafiifi rafaadoo
Qabrigii u rusheeyoo
Uga yeel rug wanaagsanoo
Janadii ku rasaaqooo
Rabbiyow naxariista
Ku rakaadi firdowsa

Ragga kii u sareeyey
Ruuxi rooni ma raago
Horaa loo run maleeyee
Qofka raaca wanaaga
Rukhsadaa u diyaaroo
Dhakhsaa loo rafciyaaabay
Run inooga dhigeenoo
Mar haddaan lagu raagayn
Raasamaal ba ma yeeshoo
Raqiis weeye adduune
Raxmaan kaan u baryaaye
Rajo wayn ka qabaaye
Ilaahow raxmadaada
Raxiimow magacaaga
Raxmaanow sifahaaga
Shafeecii rusushaada
Rafiiqiisa ka yeeloo
Suaashiisa raqiib iyo
Ka khafiifi rafaadoo
Qabrigii u rusheeyoo
Uga yeel rug wanaagsanoo
Janadii ku rasaaqooo
Rabbiyow naxariista
Ku rakaadi firdowsa

Ummaddii rogmanaysa
Ee raadku tirmaayo
Ee dib loo rajicaayo
Adduun waa raq u joogoo
Hadba kii u raraayey
Habeenkii ruqisaayo
Barbaartay ruqustaayo
Dhalintay ridqataayoo
Raawis ay la dhacdaayo
Xabaal ay ku ridaaye
Raiiskeedi Cabbaase
Wasiirkii la rusheeye
Rasaas ay ku dileen iyo
Rijaal kaa geeridiisi
Rabiish bay ku xejenoo
Caawa ay rajmiyeene
Bal inay rogmanayso
Soomaalidaan run ma moodid!!

Ma rumaysan karaayee
Raxmaan kaan u baryaaye
Rajo wayn ka qabaaye
Ilaahow raxmadaada
Raxiimow magacaaga
Raxmaanow sifahaaga
Shafeecii rusushaada
Rafiiqiisa ka yeeloo
Suaashiisa raqiib iyo
Ka khafiifi rafaadoo
Qabrigii u rusheeyoo
Uga yeel rug wanaagsanoo
Janadii ku rasaaqooo
Rabbiyow naxariista
Ku rakaadi firdowsa
Dhamaantood ba rakaadi
Muslin oo dhan rakaadi
Ka radeeb holoceedoo
Cadaabtii ka racfaanoo
Janno raysimo doogle
Oo raxmaanow ka waraabi!

Habboone maxay ramyeen
Halddooro maxay rujeen
Maxay wiil hoog rareen
Intay dhiigiis raqeen
Maxay ku rideen xabaal!

Aggoomo maxay rajeen
Maxay raaliyo haween
Iyana raandhiis tireen

Maxay ruux dhaafiyeen
Halyeeyo maxay rifeen
Intey riiqeen hadana
Maxay ka rideen indhaha

Maxay rabad baas dageen
Maxay raxliyada dumsheen
Maxay riciraha lafaha
Maxay ruugyada jabsheen

Gurbeedkeeda ruugaay
Riximkeeda laayaay
Soomaali raraneey
Marna laguma raystaay
Hadba kii usoo rara
Aakhiro u riixaay
Raxmadlaay dad qalatoy!

Caawa na ma raqantahay
Halyaygii ma raaftoo
Rubbaddii may goysoo
Raqdii may dul dultaaloo
Rabiish mayska qalateen!!

Ma rumaysan karaayee
Raxmaan kaan u baryaaye
Rajo wayn ka qabaaye
Ilaahow raxmadaada
Raxiimow magacaaga
Raxmaanow sifahaaga
Shafeecii rusushaada
Rafiiqiisa ka yeeloo
Suaashiisa raqiib iyo
Ka khafiifi rafaadoo
Qabrigii u rusheeyoo
Uga yeel rug wanaagsanoo
Janadii ku rasaaqooo
Rabbiyow naxariista
Ku rakaadi firdowsa
Dhamaantood ba rakaadi
Muslin oo dhan rakaadi
Ka radeeb holoceedoo
Cadaabkii ka racfaanoo
Janno raysimo doogle
Oo raxmaanow ka waraabi!

#RabbowUnaxariisoRabiish

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso