REJADU IGA MAY XUMAAN

16/02/2107
Intaan ha is raacdo iyo
Naq iyo meel roobleh iyo
Geediga urar aan lahaa
Qaarba iga kala ridoo
Awrkii reer yada ka fura

Qaarbaa ra'yi gaabanoo
Qabyaalad ragaadisoo
Anaa reer hebel ah iyo
Anaa kaa roon ku hadhay

Intaan urafaad sanee
Ruclaha midnimadda kujiro
Dhaleeco badhbaa rakiba
Raandhiisna waxaan lahayn
Ruuxdooda ku daaliyoo
Intaa uraxleeyaa bello

Rufyaanka dhulkeena gada
Dadkana same aan larabin
Caleemo badhbaa uruxa
Rijaal iyo geesiyoow
Runloow baa tahay ku dhaha

Shisheeyaha riiqiyee
Umadda raas-raas kadhigay
Durbaanka badhbaa uridda
Rafiiqaygoow ku dhaha

Markaan taladdii rogrogay
Waxaay riyadu igu  tidhi
Dabayl geed way ruxdaa
Rucurtu way daadataa
Salkana kama uu ruqee
Ridada waranka u adayg
Rabina talo saartayoo
Rejadu iganay xumaan
Culimo Cumar

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso