DAYAXII QARSOOMAY #3

R A B I I S H
-------------------
Gabaygani waxa uu ka mid noqonayaa caawa, gabayadii loogu baroordiiqayey halyeeygii inaga baxay walaalkeen Rabiish (AHUN). Tixdanna  waxaa tiriyey Abwaanka bulshadiisa la jaalka noqday, waa Abwaan Cabdiraxmaan Xiiray, waxa uu yiri:

-- Anigoon rafiiqiisa noqon maalin rubuceedna
-- Oon saarin dhaayaha #Rabiish weligay ruuxiisa
-- Rijaalkaa warkiisoo socdoo roorayaan helaye

-- Hargeysuu rugtaan kaga sugnaa taar ku soo ridaye
-- Raadkuu ka tegey baan arkoo raasamaal badane
-- Rukun buu ahaa samo-falkiyo khayrka raabiya’e

-- Dadku shubanku soo riday siduu ugu rixiimaayay
-- Runtii muu ahayn nimay abley qoonto rubaddiiye
-- Rabbi wuxu qadaray baan cid kale qodob ka riixayne

--- Waxa raalli lagu yahay markuu raacay kii dilaye
-- Labadaba u raaxee Alloow raasiq baad tahaye
-- Oo gee jannada raar saroo lagu riyaaqaayo
-- Oo rafaadka naartiyo ka dayr raran ciqaabeedka

___
Aamiin

Comments

Popular posts from this blog

Geeraar duco ah Oo ku saabsan Abaaraha

Sheeko hal xidhaale ah

Gabay gardaro

Maansadda Saxansaxo 2013

Soomaalidu Isma Diidana Ee Waa Laysku Diray Si Looga

Masalooyin * Gabay *

GABAY (KHAYR-DOON)

Maanso

Maanso Mucjiso