Guurtiddii afku meeday?
fiid ka mid ah fiidadka ayaan meel ka akhriyay xoogeey taariikh nololeed ah oo laga qoray AHUN abwaan xasan qawdhan oo sanadkan dhintay, qoraalkaas waxaan ka akhristay ereyo iyo suugaan uu lahaa oo heeso ubadnaa qof ahaan taydana aan jeclaa laakiin aanan aqoon mu'alifka leh , sida heesta jalam qalam, ubaxoo dilaacay iyo iwm . qoraalkii ayaan udiray oo lawadaagay mid kamid ah asxaabtayda kadibna Alla maxaa hees aan aqaano meesha ku qoran iyo Alla maxa hees aan jeclahay ku jirt ayaanu iskula wiirasnay ,waxaan isku raacnay in afyaqaankii uu gabaabsi yahay , ama nagu diid ama nala qaado e, waxaanu is waydiinay sababta hal-abuurkii hore iyo kan hadda oo labadayaduba aanu ka mid nahay , marka murtid ahaan iyo miidba la eego ay ukala heeso sareeyaan ? iyo sababta hal-abuurkii hore xarfuhu ay ugu wada fududaayeen se kan maanti uu xarfaha laandheeraha ah ugu badan yahay sidda G,D,M iwm . dood saddexaad baanu isla eegnay oo ahayd dadka soomaalidda ah qaarbaa aaminsan , in afka soomaaligu yahay wax laysu keenkeenay oo lagasoo qaadhamay afafka kale sidda engrish, carbi iyo talyaani.. saddexdaas qodob iyo qodobo badanoo kale baan kaga hadlayaa geeraarka, waxaa laga yaabaaa in akhriste is dhahdo haddii Af laga hadlayo maxay tahay sababta agabka dhaqanka ah sidda , hadhuub, gudin, harar looga hadlay, inaad is waydiiso xidhiidhka ka dhexeeya afka iyo dhaqanka iyo afka iyo nolosha caadiga ah sida xoolo dhaqashada , xidhiidh aanu midna midka kale ka maarmi karin ayaa ka dhaxeeya afka iyo dhaqanka mana jiro mid gooni istaagi kara ka kale la'aantii tusaale yar oo aad ku fahmi karto aan ku siiyo, asalka soomaalidu waa reer guuraa ama reer miyi, waxay dhaqdaan xoolo kala duwan sidda geella, adhiga iyo lo'da , waxaa jira waxyaabo aanay ka maarmin xoolahaasi, tusaale ahaan in la arooriyo oo ceel laga waraabiyo waa wax ka mid ah nolosha caadiga ah , ceel ka waraabintii ayaa u baahan hees hawleed taasoo la adeegsaddo marka wadaanka la isticmaalayo, haddaba hees hawleedii wadaanta iyo heestii geella lagu caraabinayay fiidkiiba saw af ma aha , oo suugaan kama sii aha oo welibana hees hawleedyo maaha? haa dheh! geella fiidkii marka la lisayo lagama maarmo gaawe lagu maalo waana khasab in aad haysto, sidoo kale si aad subag xoolaad uhesho waa inaad caanaha aad adhiga ka maashay ama lo'da ad lulato, si aad ululato caano waa inaad haantii caanaha haysato , si aad haanta ulushana waa inaad uheesto oo dhahdo "haanyahaw bulooy iibax! haantu afmaaha ee waa dhaqan, geella la aroorinayo ee ceelka loo shubayaana afma aha ee waa dhaqan midkoodna kama maarmayo hees hawleedyo, si heesahaas loo curiyo waa in afyaqaan la noqdaa . markaa fahan akhriste uma booyayo yaa geella waraabindoona , yaa reerka oodidoona oo gudinta qaadanaya , waayo intaasba dadkeedii waa ujoogaan , laaakiin meesha aan ka damqanayo waxa weeye yaa afka iyo dhaqanka xidhiidhkii ka dhexeeyay sii adkayndoona ! yaa adhiga uheesidoona. afka iyo dhaqanku way isku tiirsayihiin haddana afka ayaa ila muhiimsan hadii uu lumana dhaqan majirayo. dhamaan waxyaabahaas iyo in suugaan yahanadii waawaynaa maalinba malinka ka danbeeya ay sii god geleyaan iyo in afgaano suugaantoodu qaawan tahay ay jiilashan danbe nagu habsadeen ayaa igu kalifay geeraarkan
Afkiiyoow gacalkaagiyo
Guurtidii ku taqaanayiyo
Geesigaagii Sareeyayba
Gaagyar baa hadhay maantoo
Waa gabaabsi Haddeere
Tolow yaa gurmandoonoo
Guri kuu dhisiddoona eey?
Inta uu ga'dda dhaafo
Wa'da yaa ugelaaya oo
La'da kuu godlidoona oo
Na'da kaaga gabyaaya oo
Ya'da kuu goglidoona o
Geeraarkaaga samayn eey
Sidii aad goblantahay oo
Gurbood aadan lahaynbaay
Gawda kuugu hayaanoo
Ma gaa- gaabsanayaane
Inta aanay qudha goyninoo
Gawracaaga ahaanin oo
Godka aad u hayaamin
Inta uu gefkan diida oo
Cadhadaada ka gawdha oo
Dhibtana kaaga garaaba
Yaa gargaar fidinaaya oo
Goldalooladda awdiyeey !
Guurawgaagiyo heestaba
Dhulkoo geeda caleenliyo
Xareedii ginginaydleh oo
Geelii daaqayo jeexa oo
Gadhoodhkii ladhamaayiyo
Yaa gedaa ku shabaaxi oo
Go'an ay karideeniyo
Nuxur gaaban ka dhawriyo
Murti gaamurtay baani
Sidii geeshkii horeeto
Dhirtu waakala gaaroo
Waa gun hoosiyo baare
Inta uu gudin qaato
Gug-gundhaw ya ka qoraayo
Hadba gaan ka istaagiyo
Kan galool ku tilmaamiyoo
Keerna yaa gob kusheegi?
Yaa garawsadda taahiyo
Goohan aad daminwaydayoo
Gudidee is xilqaamiyoo
Guudka saaran xilkaaga oo
Garta yaa niqidoona?
Libaax baa tahay guuna oo
Aduunkaa u gu'waynoo
Asaagiis u gobaysane
Asal aan gir-giriifiyo
Gabal caya lahaynoo
Aan kasoo gudin reer e
Yaa gedaada yaqaano
Dhabna kuu garandoona
Abaalkaaga gudaaya eey?
Googaa yaa ku dhahaaya
Halxidhaale guntaaya oo
Isagaan gedmanaynin
Maah-maah yaa Gigkasiino
Yaa garkaas furidoona
Geyeysiin dhaxaltooyo
Gegi yaa ka istaaagiyoo
Durbaan kaaga garaaciyo
Gibla kaaga ciyaariyoo
Gaaf aroos tumidoona?
Lo' geesaha wayniyo
Adhigigiiyo gamaankii
Gaadiidka la raraayiyo
Godolkaa la lisaayiyo
Guuyadda yaa ugu heesi
Oo galabtii ku caraabin
Garkii yaa intuu sooho
Gadawgii sudhidoona
Gaawihii culidoonaa
Goo-gooskii unki doono
Yaa hobeeyadda giijino
Waajibkii gudanaaya
Gabaabsi baad kujirtaayo
Inta aadan gabloolin
Guusha yaa kula raadino
Hubka yaa guranayaa o
gaadhidoona salkaagaa
Gol qaniin ka hayaama
Oo barwaaqa u guura
Caqligey geleysaaye
Taa gurteed tani weeye
Tolkaa kuu gelayaanoo
Way ku gaasiranaaye
Tolow yaa ka garaaxi
Kuu horseedaya guul?
W/C/Q Caasha Luul Cumar Jaamac 20/04/2017
Culimo Cumar
Afkiiyoow gacalkaagiyo
Guurtidii ku taqaanayiyo
Geesigaagii Sareeyayba
Gaagyar baa hadhay maantoo
Waa gabaabsi Haddeere
Tolow yaa gurmandoonoo
Guri kuu dhisiddoona eey?
Inta uu ga'dda dhaafo
Wa'da yaa ugelaaya oo
La'da kuu godlidoona oo
Na'da kaaga gabyaaya oo
Ya'da kuu goglidoona o
Geeraarkaaga samayn eey
Sidii aad goblantahay oo
Gurbood aadan lahaynbaay
Gawda kuugu hayaanoo
Ma gaa- gaabsanayaane
Inta aanay qudha goyninoo
Gawracaaga ahaanin oo
Godka aad u hayaamin
Inta uu gefkan diida oo
Cadhadaada ka gawdha oo
Dhibtana kaaga garaaba
Yaa gargaar fidinaaya oo
Goldalooladda awdiyeey !
Guurawgaagiyo heestaba
Dhulkoo geeda caleenliyo
Xareedii ginginaydleh oo
Geelii daaqayo jeexa oo
Gadhoodhkii ladhamaayiyo
Yaa gedaa ku shabaaxi oo
Go'an ay karideeniyo
Nuxur gaaban ka dhawriyo
Murti gaamurtay baani
Sidii geeshkii horeeto
Dhirtu waakala gaaroo
Waa gun hoosiyo baare
Inta uu gudin qaato
Gug-gundhaw ya ka qoraayo
Hadba gaan ka istaagiyo
Kan galool ku tilmaamiyoo
Keerna yaa gob kusheegi?
Yaa garawsadda taahiyo
Goohan aad daminwaydayoo
Gudidee is xilqaamiyoo
Guudka saaran xilkaaga oo
Garta yaa niqidoona?
Libaax baa tahay guuna oo
Aduunkaa u gu'waynoo
Asaagiis u gobaysane
Asal aan gir-giriifiyo
Gabal caya lahaynoo
Aan kasoo gudin reer e
Yaa gedaada yaqaano
Dhabna kuu garandoona
Abaalkaaga gudaaya eey?
Googaa yaa ku dhahaaya
Halxidhaale guntaaya oo
Isagaan gedmanaynin
Maah-maah yaa Gigkasiino
Yaa garkaas furidoona
Geyeysiin dhaxaltooyo
Gegi yaa ka istaaagiyoo
Durbaan kaaga garaaciyo
Gibla kaaga ciyaariyoo
Gaaf aroos tumidoona?
Lo' geesaha wayniyo
Adhigigiiyo gamaankii
Gaadiidka la raraayiyo
Godolkaa la lisaayiyo
Guuyadda yaa ugu heesi
Oo galabtii ku caraabin
Garkii yaa intuu sooho
Gadawgii sudhidoona
Gaawihii culidoonaa
Goo-gooskii unki doono
Yaa hobeeyadda giijino
Waajibkii gudanaaya
Gabaabsi baad kujirtaayo
Inta aadan gabloolin
Guusha yaa kula raadino
Hubka yaa guranayaa o
gaadhidoona salkaagaa
Gol qaniin ka hayaama
Oo barwaaqa u guura
Caqligey geleysaaye
Taa gurteed tani weeye
Tolkaa kuu gelayaanoo
Way ku gaasiranaaye
Tolow yaa ka garaaxi
Kuu horseedaya guul?
W/C/Q Caasha Luul Cumar Jaamac 20/04/2017
Culimo Cumar
Comments
Post a Comment